#Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Xaaladda Magaalada Laascaanood ayaa degan, wallow ay jiraan dhaqdhaqaayo nabadeed oo ay garab socdaan siyaasado xidhiidh la leh kacdoonkii ay dhowaan sameeyeen shacnbiga Magaalada Laascaanood.

Garaadada u dhashay gobolka Sool ayaa la filayay in shir ay dhowaan ku baaqeen guddida la baxay Khusuusiga ee dadka deegaanku uga furmo magaalada, balse weli waxa aan soo gaadhin Magaalada Madax-dhaqameed muhiim ah oo la filayay inay ka qaybgalaan shirkaa.

Laxidhiidha: Somaliland: Masuul Arrimaha Laascaanood Awgood Isku Casilay

Dhinaca kale, wasiirrrada xukuumadda Somaliland ee ku sugan Laascaanood, ayaa soo saaray go’aamo ay kaga hadlayaan shuruudo ay sheegeen in ay ku xidhan yihiin cidda ka qaygelay shirkaa.

Go’aamada ay soo saareen xubnaha wasiirrada oo uu madasha ka akhriyay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in xukuumad ay ahaan ay soo dhowaynayaan shirka ay ku baaqeen Garaadada, Odayaasha iyo waxgaradka Sool, balse wuxuu sheegay in aannay marnaba aqbalayn in shir sida uu sheegay kasoo horjeeda qaranimada Somaliland lagu qabto Laascaanood.

Sidoo kale, wuxuu ku sheegay go’aanka ay soo saareen in siyaasiyiin iyo shaqsiyaad aaminsan siyaasado kale ay ka qaybgalaan shirkaa.

Muuqalkan ka Daawo Go’aamada Xukuumadda Somaliland ee Laascaanood.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com