#Araweelo_News_Nerwork.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dhammaan maamulka Hawadda ee murranku ka dhexeeyay Soomaaliya ay la lasoo wareegtay, isla markaana xilligan Somaliland Hawadda iyo Duulimaadyada ay gacanta ku hayso.

Madaxweyne Biixi oo khudbad sannadeedii dastuuriga ahayd u jeediyay labada golle Baarlamaan, ayaa sheegay in arrinta murranka Hawaddu si cad u muujiyay Colaadda gaamurtay ee Soomaaliya u hayso Somaliland.

Arrintan waxay ku tusaysaa dagaalka Hawada iyo Duulimaadyada ee ay ku soo qaadeen Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaad ogaydeen in shirarkii aynu ku galnay Istanbul 1, Istanbul 2 iyo Djibuutiba ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in Maamulka Hawada Sare ee dhammaanba Jasiirad Lamoodka Soomaalida (Somali Peninsula), gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya lagala soo wareego.

Qaramada Midoobay, si wada-jir ahna loo maamulo, dakhliga ka soo baxana la qaybsado.
Balse Ballankaa iyo axdigaa la wada galay waa ay buriyeen, waanay ka baxeen, waxaanay u
qaateen in Hawada Sare, oo 75% Duulimaadyada Hawada Sare ay isticmaalaan Hawada
Jamhuuriyadda Somaliland, ay iyagu kaligood iska leeyihiin maamulkeeda iyo dhaqaalaha ka
soo baxa intaba.

Soomaaliya,  waxa ay gaadhay heerka cadaawaddoodu in ay isku dayaan in ay celiyaan
diyaaradaha rakaabka ah iyo diyaaradaha gaar ah ee qaadaya dadka xanuunsanaya, sidii
dhacday 17-kii January 2024. Taasi waxa ay keentay in aan 12-kii February 2024 amar ku
bixiyo in Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ay si toos ah ula
wareegto maamulka Hawada Sare.

Somaliland waxa ay la wareegtay 100% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Waqooyi
(Northern Sector).  sidoo kale, waxay  la wareegtay 50% Maamulka Hawada Sare ee Jihada Koonfureed, (Southner Sector). Taasi waxay muujinaysaa in Maamulka Muqdisho uu maamulaa kaliya 250 Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii Jamhuuriyaddii duntay Nautical Mile oo u dhiganta Kaliya 463 KM oo Hawada Sare ee dhulkii Jamhuuriyaddii duntay ee Somali Republic.

Madaxweyne Biixi, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Somaliland la wareegtay dhammaan Xidhiidhka Is-gaadhsiinta Hawada Sare ee Rasmiga ah (All Primary Voice Communication) ee diyaaradaha iyo duulimaadyada isticmaala Hawada Sare ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Bulshada Caalamka iyo Shirkadaha
Diyaaradaha isticmaala Hawada Sare ee Somaliland in Maamulka Hawada Sare ee dhammaan.

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku jirto gacan ammaan ah, masuul ah oo xil-kas ah, isla markaana adeeg kasta oo ay u baahdaana loo qaban doono si xil-kasnimo leh.

Sidoo kale, waxaanu u sheegaynaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada Hawada ee loo soo gaabiyo (ICAO) in cidda kaliya ee ay wada-hadal kala gali karto Maamulka Hawada Sare ee Somaliland ay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, oo iyadu maantaba maamusha inta badan ee Hawada Sare ee Jasiirad La-moodka Soomaalida (Somali Peninsula), sida ay ICAO u taqaano.

Ugu dambeyn, waxaan ka digayaa ayuu yidhi, “in dagaalka dhinaca Hawada Sare ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu wax-yeelleeyo shacabka iyo dhallinyarada aan waxba galabsan. Dilkii Aqoon-yahankii Somaliland ee u shaqaynaayey Hay’adda Duulista Xamar waa Marxuum loo dilay haybtiisa, Kuwa la midka ah ee lagu hayo jeelasha xamar-na waa madluumiin u xidhan isir-nimadooda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shabakaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com.