Dagaal Ka Qarxay Suudaan Millateriga Oo Xukunka Isku Haysta

#Araweelo_News_Network.

 

Khartoum (ANN)- Dagaal ka qarxay dalka Suudaan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan Ilaa 11 qof oo rayid ah, kuwaas oo lagu dilay guud ahaan Suudaan kaddib markii ay isku dhaceen labada kooxeed ee SAF-RSF.

Dagaalka ayaa si lama filaan ah u qarxay subaxnimadii Sabtida kaddib markii ciidamada RSF la geeyay gobolka Waqooyi ee Merowe Arbacadii la soo dhaafay,  iyadoo aan la ogeysiin madaxa gollaha sare iyo taliyaha guud ee ciidanka, sida ay shaacisay warbaahinta maxaliga ah ee Khartoum.

Hawlwadeen caafimaad oo magaciisu yahay Mustafa Saleebaan, isla markaana oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Cusbitaalka El Fasher Teaching Hospital ayaa u sheegay wargeyska Sudan Tribune in “saddex meyd ah ay soo gaadheen Cusbitaalka kaddib markii ay ku nafwaayeen suuqa Al-Malja, sababo la xidhiidha madaafiic ku dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamada iyo xoogaga Taageerada degdega ah ee ku dhow dhow. taliska ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan.

Ciidamadda iyo taliyayaasha RSF waxay isweydaarsadeen eedeymo. Hemedi ayaa ballan qaaday in uu soo qaban doono Burhaan, isla markaana uu sharciga horgeyn doono, halka isna uu ku dhawaaqay in RSF ay tahay ciidan aan sharci ahayn oo la kala diro.

Gobolka Koonfurta Darfur, ilo-wareedyo saraakiil Millateri oo ay soo xigatay Sudan Tribune, ayaa sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen inay iska caabiyaan weerar ay ciidamada Taageerada degdega ah ku qaadeen ciidamada iyo taliska gobolka galbeedka ee ku dhagan garoonka caalamiga ah ee Nyala.

Garoonka diyaaraddaha ee Sabira ee El Geneina, oo ah caasimadda gobolka Galbeedka Darfur, ayaan la ogayn cida gacanta ku haysa, wallow kooxda RSF, ay soo dhigeen  Boggooda Facebook-ga, muuqaalo ay ku sheegayaan inay gacata ku hayaan.

 

Ciidamada sida degdega ah u taageeray dagaalka, ayaa doonaya in ay maamulaan garoommada ciidamada si aan looga hortegin ciidamadooda oo aan inta badan haysan hubka lidka diyaaraddaha.

 

Hoggaamiyaha dalka hore ugu qabsaday inqilaabka General Abdel Fattah al-burhan., ayaa sheegay in kooxda ciidamada RSF, weerar kusoo qaadeen gurigiisa, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid lala yaabo.

Dalalka Khaliijka ayaa ka digay in dalka la geliyo fawdo, iyadoo sidoo kale dalalka Beesha caalamka ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Millateriga in aan dalk lagu celin fawdo iyo qalalaase.

Laxidhiidha: Suudaan Kacdoonada Oo Gilgilay Caasimadda Iyo Magaalooyinka Kale Ee Dalka Oo Xaaladda Uga Sii Daray

 

Dalka Suudan ayaa ku jiray xaalad hubinti la’aan ah afartii sannadood ee u danbeeyay, kaddiib markii ay Millateriga dalkaa ee xukunka kula wareegay inqilaabka 2019, balse Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka lasoo istaagay ka socdeen dalka, kuwaas oo soo dhoweeyay inay Millaterigu xukunka ka tuuraan hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay ee Al-Bashir.

Hoggaamiyayaash Millaterigu waxay weli dalka kusii hayeen gacan bir, iyagoo diiday inay dalka u jiheeyaan dhanka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka si xukunka loogu tartamo.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com