Araweelo News Network.

Khartoum(ANN)-Dalka Suudaan, waxaa si weyn u kordhay mudaharaadyada lagu dalbanyo in gacanta shabka lagu soo celiyo xukunka dalka.

Magaaladda Caasimadda ee Kahrtuum iyo Magaalooyinka kale ee waawey, waxa Sabtidii dib si weyn gil-gilay kacdoonada lagu diidanayahahay Millateriga dalka Inqilaabay.

Sida ay sheegayaan warar ka imanaya Magaaaladda Caasimadda ee Kahrtuum ugu yaraan Saddex ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa la dilay in ka badan 70 kalena waxa soo gaadhay  dhaawacay I intii uu socday kacdoonka Sabtidii ka bilowday magaalooyin kala duwan oo dalka Suudaan ah.

Dadweynaha ayaa sitay boodhadh ay ku muujinayaan sida ay diiddan yihiin go’aannada taliyaha guud ee ciidammada Abdel Fattah al-burhan.

Sidoo kale, waxay dibadbaxayaashu  ku qeylinayaan halku dhigyo ay ku dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo shacabka, cadaaladda, isla markaana uu soo laabto  ra’iisal wasaare Xamduuk iyo in la sii daayo wasiirro iyo siyaasiyiin la xidhay markii October uu kacdoon lagu diidanyahay inqilaabka ka bilaabmay dalka.

sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad oo warbaahinta SKY News,  Cusbitaalada  Magaalooyinka , Umdurman iyo Khartuum, waxa lasoo gaadhsiiyay dhaawacyo aad u badam kuwaas  oo ay rasaastu si toos ah uga haleeshay qeybaha kala duwan ee jidhka, iyadoo ay saraakiisha Ciidamada amaanka xoog  ku gelayeen  Cussbitalka bari ee Niil, isla markana weerar ku qaaday dhakhaatiirta, si ay taleefoonadooda uga baadhaan sawirada iyo muuqaalada dadka dhaawaca ah.

Dalalka Ka Hadlay

Dhanka kale, dalalka  (Norway,  Britain, Maraykanka,  Midowga Yurub iyo Switzerland ayaa uga digay ciidamadda ammaanka ee Suudaan inay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan dibadbaxayaasha nabadeed, balse Millateriga ayaan dheg jalaq u siin tan iyo 25-kii Oct, markii la kala diray golayaasha qaranimada iyo wasiiradda, isla markaana lagu soo rogay xaalad degdeg ah dalka,  waxaana tan iyo xilligaa la dilay 16 ka tirsan ciidamada ammaanka Suudaan, halka boqolaal kalena la dhawacay.

Qalalaasaha Suudaan

Arrintan, ayaa ka danbaysay markii ay Millateriga dalkaa ee xukunka kula wareegay inqilaabka 2019, balse Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka  lasoo istaagay ka socdeen dalkaa laba sannadood ka hor.

Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya canbaaraynta beesha Caalamka ee Millateriga xukunka la wareegay, kuwaas loogu baaqayo in ay xukunka shacabka kusoo celiyaan, isla markaana la abuuro kalsooni iyo deganaansho, maadaama ay cabsi weyn ka jirto sida ay xaaladdu ku danbaynay oo ay Suudaan kusii socoto jidka hubanti la’aanta iyo fowdada, isla marlaana xaaladdu isu bedeli karto dagaalo sokeeye iyo fawdo.

Gollaha Millateriga iyo Heshiiskii Siyaasiyiinta Rayidka

Militariga iyo mas’uuliyiinta xukuumadda ku -meelgaadhka ah, ayaa si wadajir ah wax u maamulayay tan iyo 2019 -kii, markii la afgembiyey Madaxweyne Bashiir kaddib dhawr billood oo mudaaharaadyo waddooyinka  lasoo istaagay ka socdeen dalkaa laba sannadood ka hor.

Xilligaa waxa jiray Heshiiska awood -qaybsiga ee u dhexeeya millateriga iyo isbahaysiga  la baxay kooxaha  Xoogagga Xorriyadda iyo Isbeddelka ee loo soo gaabiyo (FFC).

Golaha Sare ee Millateriga ayaa qorsheeyay in uu dalka xukumo sanad kale,  iyada oo ujeedadu ahayd in la qabto doorashooyin loona gudbo xukunka rayidka.

Laakiin heshiiska ayaa had iyo jeer ahaa mid jahawareer leh, iyadoo ay jireen tiro aad u badan oo kooxo siyaasadeed oo iska soo horjeeda iyo kala qeybsanaanta ciidanka dhexdooda, iyadoo dhinaca kale Millateriga dalka Suudaan markii u horaysay taariikhdaa dalkaa oo ah dal Muslim ah heshiis la galay Israel, iyadoo maamulkii Madaxweyne Trump ku khasbay in ay aqbalaan heshiiska Abraham Agreement ee (Abraham Accords Declaration), kaas oo ay saxeexday jan 2021, iyadoo dalalka Imaaraadka, UAE  oo gadhwadeen ka ahaa mashruuca  ku khasbay dhawr dal oo Muslim ah in ay saxeexaan, iyadoo Suudaan shuruudaha lagu xidhay ay ka mid ahaayeen in laga saarayo Liiska argagixisada, isla markaana laga aadayo cunaqabataynta muddada dheer saarayd ee ka dhalatay martigelintii Al-Bashiir martigeliyay Hoggaamiyhoo Al Qaeda Usama Bin Ladan horraantii sagaashanaadkii.

Dalka Suudaan, wixii xilligaa ka danbeeyay wuxuu awooddi waayay  in uu helo nidaam siyaasadeed oo shaqayn kara, waxayna Suudaan tan  iyo markii ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Biritain 1956 , waajahday inqilaabyo badan iyo isku day afgambi oo qaarkood guulatsyeen kuwo kalena fashilmeen.

Kacdoonka xilligan ee Suudaan, wuxuu kusoo beegmay dhawr bilood kaddib inqilaabyo xukunka lagula wareegayo iyo iskudayo Afgenbi oo ka dhacay dhawr dal oo Afrika ah, kuwaas oo kala ah Chad, Mali iyo Guinea, balse kacdoonka xilligan ka taagan dalka Suudaan ee lagu dalbaanyo in xulunka lagu soo celiyo gacanta bulshada iyo Millateriga awoodda doonaya in ay kusii haystaan ayaan la la ogayn halka uu dalka u jihaysan doono.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com