Araweelo News Network.

Dhibouti(ANN)-Dagaalka ka socda Ethiopia oo sababay in Maraykanka iyo xukuumadda Madaxweyne Ismail Omar Gelle ee dalka Djibouti is weydaarsadaan farriimo kulul oo iska soo horjeeda.

Sidoo kale, Madaxweyne oo muddo dheer u gacan haadinayay gacansaar uu la sameeyo dalka Ruushka, ayaa xillian u muuqda in uu ku guulaystay.

Sida ay sheegayaan warar diblamaasiyadeed oo shebekaddaha Araweelo News Nework heleen waxa  Dalka Djibouti soo gaadhay Jimcaha 12/11/2021, koox ka socota khuburada Millateriga Ruushka ee loo yaqaan “Rostec”, kuwaas Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalabka ee Djibouti ayaa qaabilay Saraakiisha Ruushka

Kulanka oo aan ahayn kii ugu horeeryay ee Diblamaasiyiin iyo Khuburo dhanka arrimaha Millateriga iyo Istiraatiijiyada Ruushka ka socota iyo Madaxda dalka Djibouti, balse wuxuu daba socday kulamo qarsoodi ah oo kala duwan oo hore u dhexmaray saraakiisha sar-sare ee labada dhinac.

Madaxweyne Geelle, ayaa dhankiisa si gaar ah u igmaday saraakiisha ciidamadda in ay kala xaajoodaan arrimaha labada dal ka wada hadlayaan.

Dagaalka ka socda dalka Ethiopia, ayaa si weyn u xoojiyay loolanka dalalka sheegta in ay yihiin quwadaha waaweyn ee ku waajahan gobolka, iyadoo ay barar socoto cabsida laga qabo in dagaalka Ethiopia,  khilaafja Suudaan ka dhexeeya Ethiopia,  kacdoonada weli sii socda ee lagu diidan yahay gollaha Millateriga, xasiilani-darada Soomaaliya, Juba iyo Eriteria oo aan laysku halayn karin iyo weliba xiisadda Biyaha Webiga Niilka ay dhammaan arrimahaasi wer-wer ku hayaan gobolka.

Wakaaladdaha wararka ee Ruushka, sida RIA Novosti oo ay weheliyaan TASS iyo Interfax, ayaa May 2021, daabacay warbixino ay kaga hadlayaan sida ay Ruushku xilligan u danaynayaan Afrika.

“Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa xoreeyey calooshood u shaqeystayaal Ruush ah. Mozambique waxay  dib u soo celinaysaa xihdiidhkii Ruushka, waxayna tixgelinaysaa liiska hubka ay doonayso inay hesho.

DRC Congo, waxay ku casuuntay Ruushka inay soo galaan oo ay la sameeyaan iskaashi millateri, waxaa ka socda wada xaajoodyo lagu dhisayo saldhig millateri oo Ruushku ku leeyahay Djibouti, sida ay daabaceen shan bilood ka hor wakaaladdaha wararka ee Raashiya.

Hase yeeshee waxa arrintaa dhinac socda Maraykanka oo ku jira dhankiisa loolan Istiraatiijiyadeed oo gobolka ah, isagoo ku doodanaya in aannu daawanayn xaaladda wer-werka badab ku abuurtay ee gobolka iyo dagaalka ka socda dalka Ethiopia.

Major General William L. Zana, ayaa wareysi uu siiyay BBC World qaybteeda Afrika, kaga hadlay cabsida xilligan iyo waxa ay ka yeelayaan Maraykanku dagaalka, wuxuuna si cad u sheegay in Maraynku dooonayaan in ay ciidamo u diraan dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay in mandaqada oo dhibaatooyin qalalaase, collaado iyo khilaafyo  siyaasadeed la il darayd uu haatan walaac weyn ku hayo dagaalka Ethiopia. Major General William L. Zana 

Hawlgalka ayuu carabka ku dhuftay, Major General William L. Zana  (Combined Joint Task Force Horn of Africa) in ujeedadiisu tahay in tallaabo Millateri iyo mid diblamaasiyadeedba ay ku waajahayaan dalka Ethiopia, sidaa awgeed hawlgalka ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Saldhiga ay ku leeyihiin Djobouti ka hawlgelyaan arrintaa, isagoo tilmaamay in Biyo Xidheenka weyn ee Ethiopia ee sababta u ah khilaafja Biyaha Niilka ay isha ku hayaan.

General William,  oo waraysi siiyay  BBC world Africa, wuxuu sidoo kale xusay in ciidamadda ka jooga Djibouti yihiin kuwa masuuliyada gobolka iyo xasiloonidiisu saaran tahay, isla markaana howlgalka la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniintooda haddii ay dhacdo in la daadgureeyo ay ka mid yihiin waajibaadka ugu waaweyn.

Dhinaca kale, xukuumadda dalka Djibuti, ayaa jawaab ka bixisay qorshaha Maraykanka ee ku waajahan dagaalka Ethiopia iyo guud ahaan mandaqada.

“Djibouti,  waxay qiimaysaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay Maraykanka, waxaana hubaal ah in iskaashigani aanu ahayn mid ka dhan ah waddan kale.” Sidaa waxa farriin ay jawaab uga dhigay ajandaha Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan dalkeeda oo doonaya in ay arrinta dagaalka Ethiopia waajahaan xukuumadda Madaxweyne Geelle.

 “Qaar ayaa walaac ka muujiyay in dhulka Djibouti loo isticmaalo faragelinta cadawtinimo ka dhan ah dalalka deriska ah. Tani ma dhici doonto, iyadoo dowladda Djibouti ay ka go’an tahay xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Sidaa waxa bartiisa Twitter ku qoray Sabtidii Wasiirka Arrimaha Dibedda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, kaddib kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweyne Geelle, waxayna weedhahaa oo u muuqda digniin ku waajahan Maraykanka xukuumadda Djibouti kasoo baxeen, kaddib waraysiga uu kaga hadlay qorshaha Maraykanka ee xilligan dagaalka Ethiopia iyo mandaqada Major General William L. Zana.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com