Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Magaaladda Hargeysa.

Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo safka hore u taaggan heesta Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, furitaankii shirweynaha labaad ee WADDANI, 15 November 2021, Hargeysa, Image Araweelo News Network.

Ergooyin ka kooban 1300, ayaa ka qaybagaly shirweynaha oo ahaa mid si weyn xamaasad uga muga muuqato, sidoo kale martisharaf, ka socday axsaabta kale ee qaranka, ururada bulshada, warbaahinta iyo madaxda dhaqanka ayaa madasha kasoo xaadiray.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa mahadnaq u jeediyay guddida qaban-qaabada dhirweynaha, wuxuuna ku tilmaamay kuwo hawl weyn soo qabtay oo muddo laba bilood ah soo waday hawsha shirka.

Xubno ka mid ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo fadhiya shirweynaha labaad ee ka furmay Hargeysa, 15 November 2021, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye Cabdiraxmaan, ayaa markaa kaddib ergooyinka maddasha fadhiyay ka codsaday in xubnaha hoggaaminaya shirweynaha uu soo jeedinayo, isla markaana uu cod u weydiinayo ergooyinka.

Guddoomiyaha Shirweynaha haggaya ayaa loo doortay Cabdulqaadir Ismaaciil Jirde, halka Barkhad Jaamac Batuun loo doortay Xoghayaha Shirweynaha.

Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, 15, November 2021, Image Araweelo News Network.

Madasha Shirweynaha WADDANI, ayaa ahayd mid ka duwan shirweynii hore ee Xisbigaa, waxaana laga jeediyay khudbado iyo weedho rajo iyo yididiilo weyn muujinayay.

Maddasha shirweynaha Labaad ee WADDANI oo ka furmay Hargeysa, 15 Nivember 2021. Image Araweelo News Network.

Siyaasiyiin sheegay in ay Xisbiga KULMIYE, kasoo guureen, ayaa madasha ka hadlay, kuwaas oo muujiyay raja-xumada iyo mustaqbalka madaw ee xisbigu dhaxalsiiyay qaranka.

maddasha shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Image Araweelo News Network, 15 November 2021.

Khubadihii shirweynaha iyo waxyabaha ka muuqday maddasha shirweynaha labaad ee Xisbiga WADDANI, waxaan idiinku soo gudbinaynaa warbixinaha danbe.