Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog Oo Ka Hadlay Xaaladda

#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv(ANN)-Kumaanan dadka reer Israel ah, ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, kaddib markii ay halkaa ka bilaabmeen dibadbaxyo lagu diidan yahay xukuumadda, isu soo baxyada ayaa sii socday maanta oo Isniin ah, waxaana la xidhay waddooyinka halbawlayaasha ah ee waaweyn.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa Isniintii maanta sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu iay joojiso isbedellada garsoorka ee muranka dhaliyay, kuwaas oo sabab u ah dibadbaxyo waaweyn oo dalka oo dhan ah.

 

Arrintan, ayaa ku soo beegantay maalin uun kaddib markii Netanyahu uu xilka ka qaday Wasiirkiisa Difaaca,  Yoav Gallant, isagoo sabab uga dhigay markii uu ka soo horjeestay isbedelada ay xukuumaddu wado, iyadoo dadka la socda siyaasadda xukuumadda Yuhuuda ay sheegayaan in arrintani ay dhalinayso in awood dheeraad ah uu sibedelku u gacan galinayo ra’iisal wasaaraha, taas oo noqonay awood aad u baddan oo ka baxsan madax-bannaanida garsoorka.

Netanyahu oo shir degdeg ah isugu yeedhay

Markii ay mudaaharaadyada ka dhanka ah Netanyahu ay sii kordheen, wasiirro ka tirsan xisbigiisa Likud ayaa muujiyay calaamado muujinaya in ay doonayaan in ay birta ku dhuftaan dib u habaynta. Dawladda hadda jirta, taas oo ah garabka midig ee Israel.

 

Fiidnimadii Axadda, ra’iisal wasaaruhu wuxuu qabtay shir degdeg ah oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Caddaaladda Yariv Levin, Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich, Wasiirka Istaraatijiyadda Ron Dermer iyo Wasiirka Waxbarashada Yoav Kisch, sida uu sheegay wargeyska Jerusalem Post. Laakiin mudaharaadyada bilbaamay habeenimadii Axadda, ayaa weli sii socda, kuwaas ku faafaya dalka oo dhan.

Wargeyska Jerusalem Post, ayaa sidoo sheegay in Dermer iyo Kisch kula taliyeen ra’iisal wasaaraha inuu joojiyo sharciga, Levin ayaa lagu soo waramayaa in uu ku booriyay dowladda in ay ku adkeysato qorshayaasha waxaana uu ku hanjabay in uu iscasilayo.

 

Sidoo kale, Wasiirka dhaqanka Micky Zohar, oo aad ugu dhow Netanyahu, ayaa sheegay in xisbigu uu taageeri doono haddii uu go’aansado in uu hakiyo dib u habaynta garsoorka.

 

Isbahaysiga midig-fog ee Itamar Ben-Gvir ayaa isniintii soo dhigay bartiisa twitter-ka in dowladdu aannay “isku dhiibin fowdo” kaddib mudaaharaadyo ballaadan oo sii xoogaystay,  iyadoo Subaxnimadii Isniinta, TV-ga Channel 12 ee Israel soo weriyay in Netanyahu uu ku dhawaaqi doono suurtagalnimada in dib loo dhigo codad kasta oo dheeri ah oo ku saabsan sharciga inta lagu jiro maanta oo Isniin ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com