Puntland Iyo Xulufadda Maleeshiyada Laascaanood, Hadda Wixii Ka Danbeeya  Ciidanka Qaranku Ma Sugayo Intay Kusoo Weerarayaan Fadhiisimadooda, Afhayeenka Ciidanka Qaranka.

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Taliska CidamaddaQaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Goojacade, ayaa ka hadlay tallaabooyin ay qaadayaan hadda wixii ka danbeeya, kaddib weeraro kaga imanayay ciidamadda huwanta ah ee kusoo duulay Magaalada Laascaanood, kuwaas oo taageero siinaya maleeshiyada deegaanka.

Laxidhiidha: Somaliland : Xukuumadda Oo Ka Hadashay Weerar Lgu Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Laascaanood

Afhayeenka Cidanka Qaranka Somaliland, isla markaana ah madaxa hawgelinta, Cabdi Cabdullaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo ka hadlay khasaaraha la gaadhsiiyay kooxaha weerarka kusoo qaaday Axadii maanta fadhiisimada Ciidanka, ayaa si cad u sheegay in hadda wixii ka danbeeya aannay sugayn inta lasoo weerarayo, wuxuuna digniin kama danbays ah u diray malayshiyaadka iyo ciidamada kusoo duulay Somaliland ee ku sugan guddaha Laascaanood, isagoo ugu baaqay in wixii baaqiya ay kala baxaan ka hor inta aannay Ciidamadda Qaranka Somaliland ka qaadin tallaabo Millateri.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Oo Booqday Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Iyo Farriinta Loo Diray Ciiddamada Kala Duwan

Muuqaalkan Ka Daawo Faafhinta Khasaaraha Dagaalka Iyo Digniinta Loo diray Maleeshiyaadka maamulka Puntland iyo kuwa kale ee ku ssoo duulay Laascaanood.

 

Video link

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com