Afartii Maalmood Ee U Danbeeyay Malaydhiyaadka Ayaa  Ku Qulqulaya  Laascaanood

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargyesa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay weerar sida ay sheegttay saaka barqadii lagu qaaday fadhisimada Taliska ciidanka Qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland,  oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo News Network, ayaa lagaga hadlay weerarka iyo sidii dagaalku u dhacay.

“ Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulk goboleedka Soomalaiya ee Puntland, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, weerar kusoo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.” Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.

 

 

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ah oo maalmahan u danbeeyayba abaabulkiisa waday, iyadoo qoraalka lagu xusay in weerarka ay hogaaminayso Puntland,  balse aannay marnaba Ciidanka Qaranka Somaliland aanu weerar ahayn, isagoo dhawraya, isla markaana ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.  Sidaa darteed Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aannay huwantu xeerinayn wanaaga Allah ina Faray, ayaa lagu yidhi, war qoraalka Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland, wallow aan lagu sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka dhacay Maanta oo Axad ah.

 

Dhinaca kale, waxa maalmihii u danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in weerarro lagu qaadi doono fadiisimada ciidamada Qaranka Somaliland ee duleedka Laascaanood, iyadoo waraabhinta dhinaca Puntland iyo kuwa kale ee laga leeyahay deegaanka Laacaanood laga baahinayay malayshiyaad iyo ciidamo weli kusoo qulqulaya Magaalada Laascaanood, iyadoo dhawr kolanyo oo qaarkood ka yimaadeen dhinaca Magaalada Kismaayo ay soo gaadheen xalay ilaa hebeen hore.