#Araweelo_News_network.

Garoowe (ANN)-Dedaalo la doonayo in nabad lagaga dhaliyo collaada Laascaanood, ayaa kasoo boqoolay Magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo soo gaadhay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Soomaaliya.

Malaaqyada, Ugaasyada iyo Odayaasha kasoo boqoolay Muqdisho oo gaadhay Garoowe, 25, March , 2023, Araweelo News Network.

Malaaqyada, Ugaasyada iyo Odayaasha kasoo boqoolay Muqdisho oo gaadhay Garoowe, 25, March , 2023, Araweelo News Network.

Koox Malaaqyo, Uguusyo, Salaadiin, iyo Oday dhaqameed ah oo kasoo boqoolay Magaalada Muqdisho, ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Garoowe, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah kooxda Malaaqyada iyo Odayssha oo kasoo jeeda Beelaha Hawiye, Digil & Mirifle, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho sidii nabad loogu heli lahaa collaada Laascaanood.

Malaaqyada, Ugaasyada iyo Odayaasha kasoo boqoolay Muqdisho oo gaadhay Garoowe, 25, March , 2023, Araweelo News Network.

Malaaqyada, Ugaasyada iyo Odayaasha kasoo boqoolay Muqdisho oo gaadhay Garoowe, 25, March , 2023, Araweelo News Network.

Ergadan, ayaa qorshaystay inay hawsha nabadaynta ee   dhexdhexaadinta ka bilaabaan dhinaca Garaadada Dhulbahante, si markaa kaddib ay ugu gudbaan dhinaca Somaliland.

Kooxda Odayaasha ee isu xilqaamay nabada iyo sidii xal loogu heli lahaa dhiiga daadanaya ee collaada Laascaanood, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Malaaqyada, Ugaasyada iyo Odayaasha kasoo boqoolay Muqdisho oo gaadhay Garoowe, 25, March , 2023, Araweelo News Network.

Isimada dhaqanka ee Beelaha Dhulbahante iyo masuuliyiinta xukuumadda Maamulka Puntland,  ayaa kusoo howeeyay Madaaraka Garoowe, waxayna kulamadooda ka bilaabi doonaan Garoowe, ka hor inta ananay booqan magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool.

Odayaasha u socda xalinta collaada ee Xukuumadda Somaliland  iyo Garaarada Sool, ayaa kulamada ay la yeeshaan Garaadada kadib waxay la filayaa inay usoo gudbaan dhinaca Magaalada Hargeysa si ay kulamo ula yeeshaan xukuumadda Somaliland.

Dedaalo hore iyo isku dayo la doonayay in xal loogu helo collaada Laascaanood, ayaa noqday waxba kama jiraan, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen Salaadiin iyo Madaxdhaqameed Madaxweyne Biixi u xil saaray in heshiis laga gaadho colllaada Sool, kuwaas oo socdaalkoodii u danbeeyay ku tegi lahaa Addis Ababa, balse dedaaladaa ayaa dhamamantood noqday kuwo dhicisoobay, waxayna ku dhamamadeen  guuldaro, sidaa awgeed dedaalada xilligan ayaan si weyn looga qabin rajo fiican, maadaama kala fogaanshaha dhinaca Garaadada iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi aad u kala fog yihiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com