Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Dagaalka  Dalka Ukraine, ayaa weli sii socda, wuxuuna si weyn saamayn  uu yeeshay dalalka Yurub iyo dunida kale oo laga dayrinayo cunto-yari uu sababay iyo dhaqaalaha aduunka oo hoos u dhac weyni ku yimi, isla markaana sicir-barar ku baahay suuqyada iyo seyladdaha oo dagaalku sababay ayaa dunida oo dhan ka qaylinayay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi iyo Madaxweynaha Romania Klaus Iohannis ayaa si shaqsi ah ula kulmay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy Khamiistii markii ugu horeysay tan iyo markii Ruushka uu galay Ukraine, saddex  bilood iyo dheeraad, waana markii u horaysay  ee hoggaamiyayaal dhawr dal ka socdaa booqdaan tan iyo 24 February 2022.

Socdaal dhinaca dhulka ah ayay si miidaamo ah ugu galeen Ukraine, iyagoo Tareen kasoo raacay Poland , waxayna afarta hoggaamiye  la kulmeen Madaxweyneha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ku qaabilay qasriga madaxtooyadda ee Kyiv

Booqashadodoa ayaa lagu sheegay mid shaqsi ah, waxayna kulan Laba saacadood qaatay oo si weyn amaankiisa loo ilaalinayay ayay la qaateen madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, waxayna hoggaamiyayaashu sheegeen in booqashadoodu tahay mid taageero loogu muujinayo Ukraine.

Taageerada Millateri ee dalalka reer galbeedka ayaan waxba ka beddelin xaaladda dagaalka, waxayna hoggaamiyayaasha booqday Kyiv u sheegeen Ruushka I farriin ah in la gaadhay xilligii dagaalka la joojin lahaa, balse wxay xuseen in ay taageero bini’aadanimo lasoo gaadhayaan Ukraine, isla markaana haddii loo baahdo taageerada hubka ay si wadayaan.

i”Waxay rabaan n ay muujiyaan taageeradooda Ukraine iyo muwaadiniinta Ukraine.” “Laakin ma dooneyno oo kaliya inaan muujino midnimo, waxaan sidoo kale rabnaa inaan xaqiijino in kaalmada aan abaabulno – maaliyadeed iyo bini’aadantinimo, laakiin sidoo kale marka ay timaado hubka, waa la sii wadi doonaa,” sidaa ayay yidhaahdeen hoggaamiyayaasha oo la hadlay warbaahinta.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com