Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay weerrar la sheegay in lagu hujuumay guriga uu deganyahay murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo maalmihii u danbeeyay u diga-rogtay guri ku yaal dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Hodon Hills .

Laba Sarkaal oo Booliska u hadlay,  ayaa sheegay in habeenkii Khamiista ay halkaa u tageen markii lagu soo wargeliyay in xaalad amni-daro ka jirto,  oo sida a y sheegeen uu taliska heeganka ee dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa uu lasoo xidhidihay oo kusoo wargeliyay muwaadin ay xaadiriyeen magaciisa iyo telefankiisa, sidaana ay ciidanku ku tageen halkaa xilli saddexdii habeenimo ah.

Sababta ay halkaas u tageen ayay Boolisku ku macneeyeen koox isticmaalaysay maandooriye, wallow aannay sheegin in ay qabteen, balse ay xuseen in kooxdaasi gashay meel bohol ah, laakiin markii ay ciidanku halkaa kasoo laabteen waxay soo mareen sida ay sheegeen wadada, laakiin waxa lagu qabtay Toosh gaadiidka, iyadoo la leeyahay soo leexda, waxaana lagu furay rasaas ayuu yidhi, mid ka mid ah saraakiisha u hadashay Booliska, taas oo uu sheegay in ay ahayd sharcidaro, wallow aanu sheegincidda ku riday rasaasta oo aannay ciidanku  wax jawaab ka bixin.

Saraakiisha Booliska, ayaa sheegay meesha ka saaray in ay ku jihaysnaayeen ciidanku guriga Murrashaxa Cabdiraxmaan Cirro, waxayna beeniyeen in arrintaasi jirtay, iyagoo ku dooday in aannay jirin sabab murrashax madaxweyne oo xisbi loogu diro Bioolis oo aannay meelna sharciga kaga jirn ln la weerraro gurigiisa, isla markaana aannay jirin wax la xidhiidha oo ay Boolisku Cabdiraxmaan ugu yeedhaan si ay wax uga weydiiyaan .

“Booliska ayaa masuul ka ah nabadgelyada mucaarad iyo muxaafid iyo ajaanibka ku nool dalka, waana war aan jirin warkaas sheegaya in guriga murrashax Cabdiraxmaan la weerraray, waa denbi adag, waxayna u baahnayd in hay’addaha baadhista loo dacwoodo, ayuu yidhi, Sarkaal ka hadlayay dhacdada iyo sida wax  dhaceen habeenkii Khamiistii.

Hase yeeshee, dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Maxamuud Jaamac Galaal oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay dhankiisa in habeenkii Khamiista ay rasaas is weydaarsadeen ilaalada khaaska ah ee murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Boolisku, wuxuuna ka digay in falal noocaas oo kale ah iyo ficilada sidaa ahi ay yihiin kuwo khatar ah.

“Falalka iyo ficillada noocan ah waxay astaan iyo calaamad u yihiin nidaamka digtaytraka iyo faashiista ah, waana hab-dhaqanadii lagu arki jiray,  waxaan ku baaqaynaa cid walba oo lexejeclo kaga jirto dalkan jamhuuriyadda Somaliland  in la joojiyo waxyaabahaa oo laga waantoobo.” Ayuu yidjhi, Mr. Galaal.

“Annigu waxaan waraystay Ilaalada murrashaxa, waxay ii xaqiijiyeen in xabado laysku riday, waana arrin khal-khalinay amniga oo aan loo baahnayn” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dhowaan Ilaalada murrashaxa iyo guddoomiyaha oo sifo sharci ah kula jooga  la doonayay in laga qaado oo Talsika looga yeedhay balse ay diideen oo damiirkoodu siin waayay sida uu sheegay, isla markaana loogu hanjabay in shaqada laga qaadayo.

Afhayeenka WADDANI, Maxamuud Galaal, wuxuu xusay in arrimahaa iyo kuwo kale  ay jiraan, oo ay yihiin waxyaabaha lagu garto sida uu sheegay marka xukuumaddi sii dhacayso,  sidoo kale, wuxuu tilmaamay in murranka siyaasadeed ka bilaabmay  doorashooyinka.

“Wxaan cadddaynayaa in Xeer L/R 14, maaha xeer doorasho ee waa xeer diiwaangelin, waxaana ka saartay Maxkamadda , haddii la doonayo in xeerkaasi shaqeeyo waa in gollayaasha loo gudbiyaa,  waxaan leeyahay xukuumaddu Urrurona furimayso doorashana qabanmayso ee waa in aynu danta guud meel uga soo wada jeesano yaanay xukuumaddu idinku mashquulin arrintaa, waxa ay wadaa waa waqti lumis ee doorasho diyaar uma aha.” Ayuu yidhi.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com