Araweelo News Network.

 

Kyiv(ANN)-Gantaalaha Ruushka ayaa sida roobka ugu socda Magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Ukrain iyo kumanaan dad ah ay ka talaabayaan xuduudaha si ay nafahooda ula cararaan.

Gantaalaha ayaa si weyn loogu garaacay gantaalada Magaalada Caasimada ah ee Kyiv, iyadoo xaaladu maalinba maalinta ka danbaysa kasii daray dagaalka socday 11 bilood.

Maamulka Ukraine, ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada la hawlgeliyay, isla markaana lasoo riday qaar ka mid ah gantaalaha Ruushka, wallow aannay waxba ka tarayn weerarada gantaalaha Ruushka ee sida roobka ugu socda.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Ukraine ugu yaraan saddex qof, iyadoo tiro ku dhow Afartan qof la dhigay cusbitaalada, balse adeegyada Biyaha iyo laydhka ayaa inta badan ka maqan Magaalada Caasimada iyo magaalooyin kale, taas oo xaaladda ka dhigtay mid cakiran xilligan oo qabaw daran uu jiro.

Duqa magaalada Kyiv Vitaliy Klitschko ayaa sheegay in 40% dadka magaalada aannay haysan Biyo iyo Laydh, iyadoo arrintaasi si weyn u taabatay nollosha dadka, isla markaana aannay xataa awooddin in ay helaan wax ay ku dabaystaan Mobilada si ay ula xidhiidhaan eheladooda.

Maalmihii u danbeeyay waxa soo baxayay rajo laga qabo in xaaladda collaada laga gaadho xal, isla markaana la bilaabo wadahadalo, iyadoo Qaramada Midoobay ay labada dhinac doonayso in miiska laysugu keeno, balse xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxay oo muujinay in aannay jirin jawi lagu soo afjarayo collaada madaxa lasii gelay sannadka.

Madaxweyne Putin, ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku eeddeeyay marar baddan inay xaaladda ugu sii darayaan, isla markaana hubka ay kusoo daabulayaan Ukraine uu sababay in dagaalku sii socdo.

 

Dhinaca kale, dagaalka ayaa xilligan u muuqda mid kusii fidaya gobolka, iyadoo saacadihii u danbeeyay xiisad ka taagnayd Serbia iyo Kosovo oo ka mid ah meelaha ugu xaasaasisan gobolka Balkan.

Xiisad cabsi weyn muujisay maalmihii u danbeeyay, waxayna taasi sababtay in la xidho Marrinka xuduuddaha ee ugu muhiimsan gobolka.

Cabsida soo baxday, ayaa ahayd in Belgrade iyo hogaamiyayaasha Serbiyiinta Kosovo ay xaaladdu si fudud isugu bedeli karto hurinta collaada, iyadoo la xidhay Belgrade iyo hogaamiyayaasha Serbiyiinta Kosovo.

Hase yeeshee Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic, ayaa goor dambe oo Arbacadii ah la bilaabay wadahadal in, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo ay khamiistii bilaabaan qaadista xayndaabada lagu xannibay marinka muhiimka ah ee xuduudaha toddobaadyadii la soo dhaafay,

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com