Ma jirtaa sabab ay Somaliland uga dambayn kartaa hurinta falalka ammaan xumo ee ka dhaca magaalada Laascaanood?

Araweelo News Network.

Dilalka iyo Carqaladaynta  Laascaanood Yaa Ka Danbeeya?

 

Waa maxay sababta Laascaanood khalkhalka loo geliyaa .

Maamulka Puntland marnaba raalli kama aha in magaalada laascaanood ay ka jirto ammaan iyo xasilooni buuxda iyo in shacabka Gobolka Sool iyo dowladooda Somaliland ay is fahmaan.

Xittaa dalalka dilalka Qorshaysan fuliya waxay si weyn ugu muuqdaan kuwo loo tuhmayo, ama lala xidhiidhinayo in Garoowe laga soo abaabulo.

Xasilooni darrada iyo in dadka qaab qabiil loo kiciyo Puntland waxay u aragtaa fursad dahabi ah oo ay Somaliland kaga saari karto Gobolka Sool.

Waxaynu Ognahay in Madaxda maamulka puntland ee majeerteeniya inay mar walba ku cel celiyaan in Gobolka sool uu juqraafi ahaan ka mid yahay maamulka puntland. Sidaa awgeed Caqliga wanaagsani ma diidayo in falalka dilalalka Qorshaysan laga soo abaabulo magaalada Garoowe. Waa arrin 100% suuro gal ah.

Balse,  waxaa dhaliil weyn leh hayadaha ammaanka iyo mukhaabaraadka Somaliland oo ka gaabiyey inay arrintan soo ogaadaan oo ay la wadagaan dadka Gobolka Sool iyo Guud ahaan adduunka oo dhan. Taasi waxay natiijadeedii noqotay in Maamulka puntland uu ku guulaysto inuu kala Dilo dadkii shacabka ahaa ee reer Laascaanood iyo dowladda Somaliland.

Marka dhan walba layska taago  dhibaatooyinka ka dhaca magaalada Laascaanood waxaa mar walba soo baxaya suurat galnimada ah in magaalada Garoowe laga soo abaabulo dhammaan falalka ammaan xumo ee ka dhaca magaalada Laascaanood.

Ma jirto sabab ay Somaliland uga dambayn kartaa hurinta falalka ammaan xumo ee ka dhaca magaalada lLaascaanood.

Maamulka majjerteeniya wuxuu mar walba ku celceliya inuu Gobolka sool ka mid Yahay puntland. Waxay soo abaabulaan dad Dhulbahante ah oo wax ma ma Garato ah wuxuuna Maamulka puntland ku dhiirri geliyaa in dadkaasi ay ka bilaabaan bilaan magaalada laascaanood xassilooni darro iyo khalkhal ammaan si ay uugu dambayn somaliland uugala wareegaan gacan ku haynta iyo Maamulka magaalada Laascaanood.

 

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.