#Araweelo_News_Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku hanjabay inuu adeegsan doono bambaanooyinka kooxda  ah ee waxyeellada weyn iyo gummaadka sameeya ee (cluster bombs), haddii sida uu sheegay ay Ukraine sidaas oo kale sameyso.

Arrinta ayaa si weyn walaac u abuurtay, waxayna kusoo beegantay maalmo kaddib markii Ukraine ay ka heshay shixnaddo hub ah oo murran dhaliyay, iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya in hubkaa oo ka yimi dhinaca dalka Maraykanka ay ku jiraan Bambooyinka (cluster bombs) ee khatarta baddan oo adeegsigooda la mamnuucay.

Hubka khatarta ee Banbooyinka (cluster bombs), ayaa ka mid ah noocyada hubka in la adeegsado laga mamnuucday in ka baddan 100 waddan, iyadoo sabab looga dhigay burburkooda baahsan, iyo sababta oo ah waxyeelada ay ka tagi karaan bambaanooyinka (cluster bombs), kuwaas oo aan inta baddan qarxin, isla markaana waxyeello u geysta dadka rayidka ah muddo dheer kaddib xataa marka dagaalku dhammaado.

 

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday inaan marnaba la isticmaalin hubkaa. Laakiin Human Rights Watch ayaa ku andacoonaysa in Ruushka iyo Ukraine labaduba ay horre ugu isticmaaleen dagaalka socday sannadka iyo shanta bilood bambooyinka (cluster bombs) ee la mamnuucay.

Hase yeeshee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Waraysi uu sii daayay Telefishinka dowladda Axaddii, wuxuu ku sheegay in Moscow ay diyaar u tahay innay ku aargudato bambaanooyinkeeda kooxeed, haddii ay Ukraine adeegsato.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com