Maxaa Kasoo Baxay Kulamadii ?

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa weli ku jira kulamadii ay doonayeen innnay xog-dheeraad ah ka helaan jihada doorasho ee dalka loo dhaqaajinayo si looga baxo khilaafka iyo murranka sida weyn u ragaadiyay siyaasadda Somaliland.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay Inay Soo Saarayaan Jadwalka Doorashada

Guddida, ayaa maanta kulan la yeetahay qaar ka mid ah Ururrada Bulshada, balse lama sheegin natiijadda kulankaa iyo wuxuu ku dhammaaday, wallow ujeeddada kulanka ay la xidhiidho arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taaganyahay, kuwaas oo axsaabta mucaaradku ku hanjabayaan in aannay ka qaybgelayn haddii aan la qaban doorashadda Madaxtooyadda, taas oo ay ku doodayaan innay tahay doorashadda keliya ee sharciga ah, isla markaana sharcigeedu yahay mid dhammaystiran.

Hase yeeshee Xukuumadda ayaa qabta dood taas ka duwan, iyadoo marar baddan ku celcelisay in doorashada Ururradu soo horaynay, isla markaana doorashada keliya ee diyaarka ah ay tahay tartanka Ururrada Siyaasadda iyo asxaabta, balse arrinta ayaa si weyn uga abuurtay saaxadda siyaasadda khilaaf aan weli xal loo helin.

Sidoo kale, Guddida Doorashooyinka ayaa la kulmay hoggaamiyayaasha Ururrrada Siyaasadda oo la mawqif ah xukuumadda, isla markanaa ku dooddaya in doorashadda Ururradu tahay doorashadda soo horaynay ee la sugayo, taas oo ay diyaar u yihiin innay ka qaybgalaan.

Laxidhiidha: Somaliland: Maxkamadda Dastuuriga Ah Oo Soo Saartay Jawaab Wejigabax Ku Ah Guddida Doorashooyinka

Guddida ayaa hore kulamo sidan oo kale ah ula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Shirgudoonka labada golle ee Guurtida iyo Wakiillada iyo sidoo kale asxaabta mucaaardka, iyagoo dhammaantood kulamadaasi ahaayeen kuwo ay ku raadianayaan xoggo la xidhiidha xal u helida arrimaha khilaafju ka taaganyahay ee doorashooyinka, waxaana la filaaya in guddidu soo saarto saacaddaha iyo maalmaha soo socda natiijada kulamadaa, balse lama ogga in go’aanka Guddida doorashooyinku noqnayo mid wax ka tara khilaafka, amma abuurikara xal siyaasadeed.

Kulamada Guddida doorashooyinaka, ayaa ka danbeeyay kaddib markii maxkaamadda Sarre oo ah Maxkammadda Dastuuriga kusoo celisay qoraal ay kaga dalbadeen fasiraad la xidhiidha doorashadda iyo sida ay doorashooyinku usoo kala horaynayaan, balse maxkamadda ayaa u tilmaantay innay raacaan xeerarka iyo shuruucda tilaamamaya, isla markaana aannay arrintani ahayn mid khusaysa ee ay gutaan wajibkooda shaqo, taas oo wejigabax ku noqotay guddida doorashooyinka, isla markaana muujisay kalsoonidaro iyo faham la’aan waajibaadkooda shaqo ah.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com