#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sarre ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa iska fogaysay dalabka Guddida Doorashooyinka ee kiciyay khilaafka doorashooyinka ee soo jiitamayay.

Maxakamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay  go’aan ka soo saartay qoraal ay Toddobaadkii hore u gudbiyeen  Guddida Doorashooyinka Qaranka oo la xidhiidhay arrinta xuddunta u ah murranka iyo khilaafka soo jiitamayay ee u dhexeeyay xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad, balse ay xilligan qayb ka yihiin Ururrada Siyaasadda ee is diiwaangeliyay.

Laxidhiidha: Somaliland: Xilliga La Qorsheeyay Doorashada Oo Madaxweyne Biixi Shaaciyay

Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland soo saartay maanta 10 July 2023, ayaa lagu sheegay in Maxkamaddu diiday gebi ahaanba arjiga ku taariikhaysan 04/07/2023 ee ay Guddida Doorashooyinka Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah.

Maxkamaddu, waxay si cad u sheegtay dalabka Guddida Doorashooyinka Qaranka oo ujeedadiisu ahayd fasiraad sharci aannay gebi ahaanba aqbalin.

“Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay faraysaa Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland innay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maadaama ay tahay awooddooda sida uu dhigayo Qodobka 16aad ee Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer, Lr. 91/2020, faqradiisa 1aad.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Maxkamadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakaddaha Araweelo News Network.

Laxidhiidha: Guddoomiye Cali Xaamuud Oo Maxkamadda Sarre Digniin U Diray

Dhinaca kale, arrinta qoraalka Guddida Doorashooyinku kaga dalbadeen Maxkamadda Dastuuriga ah inay u sheegto Doorashada Madaxtooyadda iyo doorashadda tartanka Ururrada Siyaasadda iyo axsaabta ta soo horaynay ayaa loo arkay mid Guddida Doorashooyinku kusii kiciyeen khilaafka huursanaa ee aan xalka loo helin, sidoo kale dalabkooda iyo jawaabta Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa si cad u muujiyay in aannay Guddida Doorashooyinka ee xilligan ahayn gebi ahaanba kuwo garanaya shaqadooda, isla markaana la socda xeerarka dalka iyo waajibaadka awoodda shaqo ee ay leeyihiin, taas oo shaki gelinay innay dalka ka qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Laxidhiidha: Guddida Doorashooyinka Oo Kiciyay Duufaan Siyaasadeed Iyo Khilaaf Huursanaa Oo Galaafankara

Guddida Doorashooyinka ayaa ka hor intii aan loo samayn xukuumadda mudda kordhinta sheegay inay muddo sagaal bilood ah ku qaban karaan doorashadda Madaxtooyadda, iyadoo xilligaa aan weli la diiwaan gelin Ururrada Siyaasadda ee cusub, balse dalabka xilligan ayaa lagu macneeyay mid la xidhiidha jiha kale oo boodhka ka tumaya khilaafka iyo murranka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo ay si dhab ah u muujiyeen innay qayb ka noqdeen, iyadoo annnu muuqan xal siyaasadeed iyo mid sharci oo laysku raacsan yahay si meesha looga saaro, isla markaana loo dhaqaaqo labada doorasho sidii loogu heshiin lahaa ee dhinacyadu jiha keliya u wada dhaqaaqin lahayeen dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com