#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa muujiyay walaac la xidhiidha khilaafka iyo murranka Doorashooyinka ee soo jiitamay, taas oo ay ku muujiyeen dalab ay u gudbiyeen Maxakamadda Sarre.

Khilaafka doorashooyinka ee soo jiitamayay dhawrkii sannadood ee u danbeeyay markii laga soo jeestay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Gollaha Wakiillada iyo Gollayaasha deegaanka ee 31 May 2021.

Xukuumadda Somaliland, ayaa xilligaa wixii ka danbeeyay ku dhawaaqday in doorashada Ururada siyaasadda iyo axsaabta qaranka oo la furay, isla markaana la diiwaangeliyay, iyadoo ay weli jirto qabyo dhanka xeer 14, waxaana si weyn isugu maandhaafay xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad doorashada Madaxtooyadda oo mudda dhaaftay.

Hase yeeshee ka hor intii aannay dhammaan muddada sharciga ah ee axsaabta qaranka waxay Kommishanka doorashooyinka ayaa xilligaa si badheedh ah u sheegay in muddo sagaal bilood ah ay ku qabanayaan doorashada Madaxtooyadda, wallow aannay xukuumadda iyo axsaabta qaranku hesiish ku ahayn, isla markaana mar walba xukuumaddu ku doodaysay in doorashada Ururada iyo axsaabta qaranku soo horaynay, iyadoo markaa kaddib loo gudbiyo doorashada Madaxtooyadda oo ay ku tartamayaan saddexda Xisbi ee kusoo baxa tartankaa.

Muudda kordhin gollaha guurtidu u sameeyay xukuumadda oo muddo laba sannaood ah ayaa si weyn usii xiijisay khilaafka siyaasadeed, iyadoo diiwaangelinta Ururada cusub ee siyaasadda oo ee kasoo gudbay wareegii hore oo gaadhaya 10 Urur siyaasadeed qayb ka noqdeen khilaadfka gaamuray ee siyaasadda Somaliland.

Hase yeeshee mar kale ayaa si weyn khilaafka iyo murranka doorashooyinka oo aan wax xal ah laga gaadhin usoo mirkacay, kaddib markii ay soo baxday in Kommishanka doorashooyinku u gudbiyeen Maxkamadda Sarre dalab ay sheegeen inay kaga codsadeen inay tafsiir kasoo bixiso murranka khilaafka doorashadda Madaxtooyadda iyo Ururrada Siyaasadda, iyadoo guddoomiyaha Guddida doorashooyinku warbaahinta ka qiray inuu jiro qoraal ay u gudbiyeen Maxkamadda Sarre.

Kommishanka doorashooyinka ayaa dhowaan soo gebagebeeyay diiwaangelinta dadka aan hore haysan kaadhadhka cod bixinta, balse qorshaha dalabkooda Maxkamadda sarre ayaa noqday mid xaaladda iyo jawiga siyaasadda ku kiciyay khilaafka huursanahaa ee aan xalka loo helin, waxayna Kommishanku arrintaa kala kulmeen dhawaaqyo mar kale muujiyay kalsoonidaro kasoo ifbaxday qaabka ay suurtagal u tahay inay noqdaan kuwo maamuli kara hawlaha doorashooyinka, wallow ay addagtahay in heshiis laga gaadho doorashada Madaxtooyadda iyo tartanka Ururadda Siyaasadda iyo asxaabta qaranka mid soo horaynay,

Mucaaradka ayaa si weyn ugu dhaliilay arrintaa Maxkamadda sarre iyo Kommishanka doorashooyinka, waxayna ku macneeyeen mid aan marnaba sharciga meel uga banaanayn in Maxkamadda sarrre loo gudbiyo dalabka ay sheegeen Kommishanka doorashooyinka, sidaa awgeed aannay jirin sabab kalifaysa in Kommishanku marro dariiqaa oo ay ku tilmaameen mid qarada-jeex ah, maadamaa aannay Maxkamadda Sarre ahayn sharci dejin ee wixii xeerar iyo shuruuc la xidhidiha ay tahay shaqadii gollayaasha sharci dejinta.

Si kataba ha ahaatee tallaabadda lama filaanka ah ee ay qaadeen Kommishanka doorashooyinka oo lala xidhiidhiyay inay ka dhalatay kaddib markii ay xubnaha Kommishanka doorashooyinku ku heshiin waayeen doorashadda Madaxtooyadda iyo doorashadda Ururrada midda soo horaynay, balse waxay biyadhaca mawduucan u muuqdaa mid soo afjaraya muudda xileedka Kommishanka Doorashooyinka oo si cad ugu gogol xaadhaya in Guddida doorashooyinku noqdaan kuwa ku guuldaraysta oo rajadoodu kusoo afjaranto dalabka ay u gudbiyeen Maxkamadda Sarre, iyadoo khilaafka huursanaa ee ay boodhka ka tumeen u muuqdo mid aan natiijadiisa la aadaalin karin, maadaama ay jiraan xaalladdo siyaasaddeed iyo collaado tan iyo bilawgii sannadka 2023, ay waajahaysay Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com