Araweelo News Network.

#Somaliland: Degmooyinka ka maqan doorashada iyo Xisbiyada oo tiradii laga doonayay murrashaxiinta degmooyinka qaarkood ka baaqdeen.

Hargeysa(ANN)- Liiska rasmiga ah ee Murrashaxiinta buuxiyay shuruudihii lagu xidhay ee tartanka doorashooyinka gollayaasha deegaanka Somaliland, ayaa la shaaciyay, iyadoo lagu shaxeeyay labaatan degmo doorasho murrashaxiinta saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCUD Iyo WADDANI ugu metelaya gollayaasha deegaanka doorashooyinka isku lamaan oo loo qoondeeyay in ay Somaliland ka qabsoomaan 31 May 2021.

 

Murrashaxiinta lagu shaaciyay liisaska ee ay soo saareen maanta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland,(SNEC) ayaa uga tatamaya Saddexda Xisbi Qaran 20 demgo oo ka mid ah 23 degmo doorasho, iyadoo aannay ka muuqan liiska shaxda dhawr degmo oo bariga ah, kuwaas oo aan sannadkan doorashooyinka 2021, ka muuqan jedwalka.

 

Sida ay gudddida doorashooyinku muujiyeen natiijada diiwaangelinta loo sameeyay doorashooyinka, waxa la diiwaan geliyay 1,297,838 qof, guud ahaan Somaliland, kuwaas oo noqonaya tirada rasmiga ah ee laga duulayo dadka la diiwaangeliyay ee la filayo in ay codkooda dhiibtaan marka la gaadho doorashooyinka gollayaasha deegaanka iyo wakiillada ee dalka, iyadoo loo qorsheeyay 1, 642, in ay noqdaan goobaha cod bixintu.

 

Boorama, Baki Saylac iyo  Lughaya waxa ku tartamaya sddexdaa degmo doorasho sida ay shaaciyeen guddida doorashooyinka murrashax saddexda Xisbi ee Demada Boorama laga doonayay gollaha deegaanka in ay ku tartamaan waa 39, laakiin liiska la shaaciyay tartamya 36, waxaana ka maqan liiska xubin murrashax KULMIYE iyo 2 UCID ah murrashax ayaa laga sugayay saddexda Xisbi Qaran, Baki 17 murrashax oo saddexda xsibi ah, waxaana liiska ka bananan tiradii murrashaxiinta laga sugayay Xsibiga UCID , ee sagaalka Murrashax oo ay u sharaxan yihiin laba xubnood oo keliya, halka Kulmiye oo laga sugayay sagaal uu keenay lix murrashax oo keliya degmada Baki, balse xsibiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa dhamaystiray murrashaxiintiisa.

Degmada Lughaya, waxa ku tartamaya 15 Murrashax oo saddexda Xisbi ah, xisbi walba waxa laga doonayay 9 murrashax, taas oo ka dhigaysay tirada murrashaxiinta Lughaya ee gollaha deegaanka 27, waxa liiska guddidu doorashooyinku shaaciyeen ka maqan 12 Murrashax, kuwaas oo ka dhiman WDDANOI, shan xubnood, UCID, Lix Xubnood iyo xubin Kulmiye ah, halka Saylac oo ay ku tartamaayan saddexda Xisbi 36 Murrashax Liiska Xisbiga KULMIYE ay ka maqan tahay hal xubin.

Gobolka ugu balaadhan Somaliland, isla markaana ugu baaxada weyn ee Sanaag waxa ku tartamaya gollayaasha deegaanka 87 Murrashax, sida ay shaaciyeen Guddida doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo ku tartamaya gollayaasha deegaanka saddex degmo doorasho oo gobolka Sanaag ah, balse xisbiyada qaarkood tiradii laga doonayay ay wax ka maqan yihiin liiska degmooyinka qaarkood, sidoo kale Degmooyinka Dhahar iyo Badhan ayaan qayb ka ahayn tartankan, kuwaas oo u muuqda in ay ka baxeen gacanta Somaliland tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Biixi la wareegtay tallada dalka doorashooyinkii Madaxtooyadda ee 2017.

 

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com