Araweelo News Network.

 

#Donald#Yamamoto Miyuu Ahaa Aktarkii Collaaddaha iyo qalalaasaha siyaaseed ee geeska#Afrika

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Djibouti(ANN)-Maraykanka ayaa u muuqda inuu garwaaqsaday doorka uu ku lahaa dhibaatooyinka collaadaha iyo qalalaasaha siyaaseed ee geeska Afrika, balse u muuqda in maamulka cusub ee Madaxweyne Biden fahmay dhibaatooyinka, sidaa awgeed loo baahanyahay in la damiyo.

Ciidammadda Maraykanka ee Afrika (AFRICOM)  oo taliskoodu yahay dalka Djibouti, ayaa ka walaacsan xaaladda kasoo korodhay dalka Soomaaliya oo laaga cabsi qabo inuu dib u qaado jidkii collaadaha iyo dagaalada ee fawdada, kadib khilaafka sii socda ee mucaaradka iyo xkuumadda Federaalka Soomaaliya.

Alt: Araweelo News Network

James Swan iyo Farmaajo Image File Araweelo News Network.

Xaaladda kasoo korodhay Soomaaliya waxa isha ku haya Maraykanka oo door ku leh, horena ugu lahaa arrimaha qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo mandaqadaba, wallaw maamulka cusub ee xilligan Maraykanka Madaxweyne Joe Biden balan qaaday inuu siyaasada Maraykanka ee ku waajahan Afrika iyo dunida kaleba wax ka bedelayo.
Maamulka Biden, wuxuu dhowaan Bedelay Safiirkiisa Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto, oo si weyn dhaliil ugu soo jiiday Siyaasada arrimaha Dibedda Maraykanka  ee ku waajahan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, isla markaana si cad loogu tilmaamay in Maraykanku uu lumiyey tartankii weynaa ee awoodda qaaradda Afrika.

Sidoo kale Danjiraha Maraykanka ee muddada dheer ka shaqaynayay Afrika xiilligana ahaa safiirka u fadhiya Maraykanka Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa waajahay dhaleecayn kaga timi sida xittaa uga hortegay inta badan wada hadallada dhanka difaaca ah ee Maraykanku la lahaa jamhuuriyadda Somaliland oo dhawr iyo labaatankii sannadood ee u danbaysay ahayd goob nabadeed oo samaysay doorashooyin, waxaana dhaliilahaa qaarkood u gudbiyay Maamulka cusub ee Maraykanka khuburo iyo diblamaasiyiin u dhuun-daloola arrimaha gobolka oo uu ka mid yahay Michael Rubin oo ah Khabiir aqoonyahan oo ka tirsan Machadka Ganacsiga Maraykanka,  isla markaana hore  u ahaa sarkaal ka tirsan Pentagon-ka.

Dhinaca kale, Danjire Donald Yamamoto, oo ahaa diblomaasiga ugu muhiimsan Maraykanka ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isla markaan ahaa ku-simaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, wuxuu kaloo soo noqday safiirka Mareykanka ee Ethiopia, isagoo hormuud ka ahaa heshiiskii Ethiopia iyo Eretria bishii August 2018, waxaana lala xidhiidhay inuu door weyn ku laaha qalaasaha gobolka Tigray ee Ethiopia, sida lagu shaacisay warxibin hore oo lagu lagu daabacay shebekadda Araweelo News Network oo soo xiganay xoggo diblaamsiyadeed oo la xidhiidha qalaalsaha ka aloosan gobolka ee Ethopia, gaar ahaan gobolka Tigray.

Sidoo kale, Ambassador Donald Yamamoto oo door weyn ku lahaa qaabkii uu ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ku yimi xukunka April 2018, iyadoo taageero dhaqaale looga helayo dalal carbeed iyo kuwo kale oo xulufo ah, isla markaana la doonayo in lagu yagleelo istiraatiijiyad iyo qorshe duulaan ku ahaa geyiga Soomaalida iyo kahyraadka ku duugan, waxaana qorshayaashii ilaa hada fulay ka mid ahaa dagaalka u muuqda inuu galaaafanayo deganaanshaha Ethiopia ee gobolka Tigray oo qaab lama filaan ah isku bedelay, kadib duulaanka ku waajahnaa gobolka Tigray ee November 2020.

Arrimaha iyo kuwo kale ayaa ka mid ahaa waxyaabaha lala xidhidihay Ambassador Donald Yamamoto oo fulinayay siyaasadii foosha xumayd Donald Trump iyo xulufadiisa, isla marakaana gacan ka helayay Xoghayihii Arimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo, kaas oo inta badan siyaaada xafiiska arrimaha Dibedda ay uga fara dhuu-dhuubnayd gabadhiisa Susan Peompeo oo door weyn ku lahayd hesiishka loo bixiyay Abraham agreement oo la doonayay in geeska Afrika, gaar ahaan bariga afrika laga hirgeliyo, iyadoo lagu sandulaynayo dalalka geeska in ay aqbalaan heshiiskaa, balse markii Millateriga qabsaday dalka Suudaan sanka laga geliyay maamulka Trump uu meesha ka baxay.

Dhinaca kale, Ambassador Donald Yamamoto oo dhitooyinka dhaawacyadii uu ka abuuray, ama doorka ku lahaa ee gobolka oo ay siyaasadaha kacsan ee Soomaaliya iyo khilaafka loo caal waayay ka mid yahay, ayaa xilligan noqday kuwo siyaasiyan iyo amni ahaan si weyn cabsi ugu abuuray Maraykanka iyo gobolkaba, iyadoo General Stephen Townsend oo warbixin siinayay guddida Arrimaha Ciidamadda u qaabilsan Senate-ka Maraykanka shalay u sheegay in caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan ka jirta Soomaaliya aannay ahayn kooxda Al-Shabaab, balse mushiladu tahay muddo kordhinta dhawaan loo sameeyay Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


General Stephen Townsend, ayaa sheegay in xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada ay tahay caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan dalka ka jirta Soomaaliya.

“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan maaha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada. Muddo korodhsiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha, taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yidhi, Jeneraal Townsend oo ka jawaabayay su’aal Senater Sen. Jack Reed, ka weydiiyay xaaladda xilligan Soomaaliya.

Maraykanka isagoo ka wer-wersan xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo qallalaasaha ka jira ayuu u mgacaabay Jeffrey Feltman noqdo ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

“Walaaca gaarka ah waa xaaladda aan deganeyn ee Ethiopia, oo ay ku jirto dagaalka gobolka Tigray, xiisadda sii xumaaneysa ee Ethiopia iyo Sudan; iyo muranka ku hareereesan biyo-xireenka webiga Nile,” sidaa waxa yidhi,Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken gobolka u magcaabay Jeffrey David Feltman oo ah diblamaasi sare oo kasoo xilal kala duwan kasoo shaqeeyay, isla markaana xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Antony Blinken sheegay inuu yahay diblamaasi si gaar ah ugu habboon oo leh khibrado tobaneeyo sano ah oo la filayo inuu xasilooni ka keeno Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dhamaan arrimahaa iyo kuwo kale waxay muujinayaan cabsida ka taagan xilligan gobolka iyo xasilooni la’aanta laga baqayo in ay dib ugu laabato Soomaaliya, iyadoo la ogyahay qalaalasaha ka taagan Ethiopia iyo collaadaha ka aloosan, waxayna dhammaan mushkiladahaasi noqonayaan kuwo aannu ka madhanayn Maraykanku oo uu door weyn ku lahaa maamulkii Donald Trump, waxaana la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay safiirkii hore ee Maraykanka oo la bedelay Ambassador Donald Yamamoto oo dhacdooyinka siyaasada geeska Afrika ku lahaa Aktar, balse maamulka cusub ee Madaxweyne Joe Biden xilligan fahmay in qalalaasaha ka aloosan gobolku yahay mid uu door weyn ku lahaa Maraykanku, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in xolloddada shidaya laga saaro meesha si loo damiyo.

Araweelo News Network.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

jaamac132@gamil.com