#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Boqlaal qof, ayaa ka qaybgalay Aaska Marxuum Suxufi Madar Cabdi Axmed oo maanta 12 July 2023, lagu aasay xabaalaha Baqiic ee duleedka  waqooyi ee Magaalada Hargeysa, masuuliyiin ka socday dawladda Somaliland, bahda Saxaafadda iyo Dadweyne tiro baddan.

Masuuliyiin iyo Suxufiyiin ka qayb-galay Aaska, ayaa ka warramay shaqsiyaddii iyo doorkii uu Marxumku ka soo qaatay geeddi-socodkii horumarka Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan bahda saxaafadda Maqal iyo Muuqaalka ah oo uu hormuud ka ahaa.

Suxufiyiin ay qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka soo wada-shaqeyeen marxuumka, ayaa ka warbixiyey shaqsiyaddii iyo kaalintii uu ka soo qaatay bahda warbaahinta dalka, waxaanay ku sifeeyeen shaqsi Eebbe hibo u siiyey, Akhlaaq-wanaag, Dul-qaad, Sabir, hal-adayg, karti iyo Dad la dhaqan suubban,  isla markaana garab istaaga qofka kasta oo gar-gaar iyo waxtar uga baahda.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda, Guddoomiyaha Shirkadda Sagaljet oo  aqoon durugsan u lahaa marxuum Madar Cabdi Axmed muddadii uu saxaafadda ku jiray iyo ka horba, ayaa marxuumka ku sifeeyey Shaqsi Eebbe ku karaameeyey gacan-qabashada Dadka gargaarka iyo waxtarka uga baahda oo uga faa’idayn jiray Xirfaddiisa suxufinimo iyo magaca uu ku lahaa bulshada dhexdeeda.

Dhammaan masuuliyiinta, Suxufiyiinta iyo Dadweynaha kale ee ka qayb-galay Aaska Marxuumka, waxa ay dhammaantood isku raaceen inuu marxuumku ahaa Shaqsi Eebbe ku maneystay akhlaaq-wanaag, karti, Dal iyo Dad-jaceyl iyo dhiirranaan uu kaga midho-dhaliyo hawl-kasta oo uu qabanayo, Waxaanay Eebbe uga baryeen inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna sabir iyo iimaan ka siiyo.

Waayihii Mihnada Saxaafadda ee Marxuum Madar Cabdi Axmed.

Allah ha u naxariistee Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa uu wakhti ku began sannadkii 1979-kii ku dhashay magaalada Hargeysa oo ku barbaaray kuna soo qaatay waxbarashadiisa Dugsiga H/Dhexe ilaa  Heer Jaamacadeed.

Marxuum Madar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Ruug-caddaaga ah ee muddada badan ku soo jiray Saxaafadda Dalka, waxa uu sannadkii 2005, xirfaddiisa shaqo ka bilaabay Telefishankii la odhan jiray Hargeysa Space Channel oo ahaa warbaahintii ugu horaysay ee Maqal iyo Muuqaal ah ee dalka laga Hirgeliyo, isagoo ku soo shaqeeyey weriye soo tebiye dhanka wararka maalinlaha ah iyo diyaarinta barnaamijyo taariikho ah oo ka bixi jiray Telefishanka Hargeysa TV oo markii dambe loo bixiyay Somaliland Space Channel.

Allah ha u naxariistee, Marxuum Madar Cabdi Axmed oo muddadii uu saxaafada ku jiray ku Sifoobay akhlaaq-wanaag iyo hal-abuur, waxa xirfaddiisa suxufinimo ku soo baxday diyaarinta iyo soo-tebinta waraysiyada siyaasiyiinta dalka iyo barnaamijyada taariikhiga ah, waxa kale oo uu ka hawl-galay telefishanka Horn Cable TV oo uu muddo dhowr sanno ah ka hawl-galeyey.

Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa kale oo uu ka hawl-galay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefishanka Qaranka xilligaas oo suxufiyiintii ruug-caddaaga ahaa ee ka hawl-gali-jiray warbaahinta madaxa-bannaan ay qaarkood u wareegeen telefishanka Qaranka, iyadoo ujeeddadu ahayd sidii loo tayayn lahaa Wax-soo-saarka warbaahinta maqal iyo muuqaalka ah ee Dowladda.

Marxuum Madar Cabdi Axmed waxa lagu xusuustaa oo taariikhda u gashay Diyaarinta Barnaamijyo taxane noqday oo uu ka diyaariyey Xasuuqii ay dowladdii Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland, isagoo marxuumku barnaamijyo taxane noqday ka sameeyey xasuuq dadka shacabka ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolladii Woqooyi ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya loogu geystay Xeebta Jaziira ee duleed magaalada Muqdisho sannadkii 1989-kii, kuwaas inta laga soo ururiyay guddaha Muqdisho si badheedh ah loogu toogtay xeebta Jaziira. Marxuum Madar Cabdi Axmed, waxa uu waraysi la yeeshay Qofkii kali ahaa ee ka badbaaday xasuuqaa.

Dhammaadkii Sannadkii 2013, wuxuu Marxuumku magaalada Hargeysa ka bilaabay inuu soo saaro Wargeyskii  Himilo oo hore u soo bixi jiray intii u dhaxaysay 1998-kii ilaa 2002-dii, kaas oo aannu isagu qayb ka ahayn xilligaa hore.

Sidaana wuxuu Marxuumku Wargeyska Himilo si toos ah uga soo saari jiray intii u dhaxaysay 2013-kii ilaa 2018, iyadoo wargeyskaa oo  ahaa mid xilligaa hore ka baxay Warbaahinta Jaraa’idku uu ahaa mid si weyn loo jeclaa, sidaana uu dib ugu bilaabay Marxuumku, isla markaana ay ka hawlgaleen soo-saarayaal ay soo wada-shaqeeyeen marxuumka oo ahaa suxufiyiin magac ku dhex-lahaa warbaahinta dalka.

Allah ha u naxariistee, Marxuumku wuxuu Ifka kaga tagay Xaas iyo Lix Carruur ah oo Isugu jira Afar Wiil iyo Laba Hablood.

Illaahay naxariistiisa Janno haka Waraabiyo Marxuum Madar Cabdi Axmed, samir iyo Iimaan Saadiq Ahna haka siiyo dhammaan Qoyskii, Ubadkii uu ka tegey iyo hooyadood,  ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda Saxaafadda ee Somaliland.

Innaalilaahi Wa Innaa Ilaylihi Raajicuunn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com