#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Weerarrada Al-shabaab iyo qaraxyada lala beegsanyo goobo muhiim ah, ayaa si xidhiidh ah ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaana weerarkii ugu danbeeyay oo shalay gelinkii danbe ka dhacay Miiska saraakiisha ee kasoo horjeedka xarunta wasaarada gaashaandhiga ee dawladda Federaalka ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaa oo ahaa mid lala beegsaday saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda, oo ku sugnaa kasoo horjeedka wasaaradda gaashaandhiga uu sababay khasaare ballaadan.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaan ha hadlin qaraxaa, balse Xarakada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka ayaa xaqiijisay in weerarka lagu beegsaday saraakiil ay sheegeen innay yihiin “dambiilayaal ah oo in mudda ah lagu raad joogay”.

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Jimca ah, saacadu markii ay ahayd 17:00 galabnimo, camaliyad istish-haadi ah la beegsadeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan kooxda ridada ah,  kuwaas oo ku sugnaa halka loo yaqaano guryaha saraakiisha ee kasoo horjeeda wasaarada gaashaandhiga Muqdisho.ayaa lagu yidhi, bayaan ay soo saareen Al-shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta yaalaaba wararkooda lagu daabaco.

Sidoo kale, waxay sheegeen in weerarka ay ku dileen 9 sarkaal, kuwaas oo sida ay xuseen ku dhintay weerarkii shalay, halka ay tirada ku dhaawacantay ku sheegeen 13, kuwaas oo sida lagu xusay bayaanka dhammaantood ahaa saraakiil ciidan oo katirsanaa wasaaradda Gaashaan dhigga dowladda Federaalka, isla markaana la shaaciyay magacyadooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com