#Araweelo_News_Network.

Helsinki(ANN)-Hoggaamiyayaasha NATO ayaa shir madaxeedkii ka dhacay Vilnius ku heshiiyay in mustaqbalka Ukraine uu ku jiro isbahaysiga, balse waxay ka gaabsadeen innay Kyiv u gacan geliyaan martiqaad rasmi ah ama jadwal ay ku biiraan oo uu waddanku raadinayey.

Intii uu socday kulanka kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Vilnius, kuwaas oo ka soo horjeeda shir madaxeedka NATO, iyagoo muujinaya dareenkooda in annay doonayn dagaal iyo xal siyaasadeed lagu dhammeeyo dagaalka Ukraine oo aan loo soo rarin Yurubta kale.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Vilnius ku sheegay in NATO ay u fidin doonto Ukraine casuumaad ay ku biirto xullufadda Millateriga marka “xubnuhu ay ku heshiiyaan shuruudahana la buuxiyo”. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in madaxdu aanmay dejin jadwal ay Ukraine ku soo biiri karto.

“Waxaan dib u xaqiijinay in Ukraine ay xubin ka noqon doonto NATO, waxaana ku heshiinnay in meesha laga saaro shuruuddaha Qorshaha Xubinimada,” ayuu yidhi Stoltenberg. Go’aanku wuxuu bedeli doonaa waddada xubinnimada Ukraine oo ka soo jeeda laba tillaabo hal tallaabo, ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Madaxweynaha Maraykanka Oo Sheegay In Aan Cidna Laga Aqbalayn Ku Biiritaanka NATO

Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay hoggaamiyayaasha ayaa lagu yidhi, “Mustaqbalka Ukraine wuxuu ku jiraa NATO,” bayaanka aya intaa ku daray in Kyiv’s Euro-Atlantic dhexgalka uu ka gudbay baahida NATO ee waxa loogu yeedho Qorshe Hawleedka Xubinnimada (MAP) – nooc ka mid ah khariidad waddo ah oo dib-u-habayn Millateri ah oo qaar ka mid ah xullufaddu ay lagama maarmaan tahay innay raacaan.

“Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan casuumaad u fidinno Ukraine si ay ugu biirto isbahaysiga marka xullufaddu ay ku heshiiyaan shuruuddahana la buuxiyo,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

In kasta oo hoggaamiyayaashu aannay qeexin shuruuddaha Ukraine looga baahan yahay innay buuxiso, waxay sheegeen in isbahaysigu uu ka caawin doono Kyiv inuu horumar ka sameeyo iskaashiga Millateriga iyo sidoo kale dib-u-habayn dheeri ah oo dimuqraadi ah iyo waaxda amniga.

Sidoo kale, waxay go’aansadeen in la dhiso Gollaha NATO-Ukraine, “urur cusub oo wadajir ah oo ay xullufadda iyo Ukraine u fadhiyaan xubno siman si ay u horumariyaan wadahadal siyaasadeed oo la xidhiidha ka qaybgalka, iskaashiga, iyo rabitaanka Ukraine ee Euro-Atlantic rabitaanka xubinnimada NATO.” Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa mar sii horeysay sheegay in “wax aannay caqli gal ahayn” ay noqon doonto haddii hoggaamiyayaasha NATO ee isugu imaanaya shir madaxeed annay u soo bandhigin dalkiisa.

Volodymyr Zelenskyy, Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo ku sugan Vilnius oo ka soo horjeeda shir madaxeedka NATO, wuxuu Zelenskyy ku celiyay baaqiisa ku aaddan xubinnimada isbahaysiga.

“NATO waxay siin doontaa ammaanka Ukraine, Ukraine waxay ka dhigi doontaa NATO mid xooggan,” ayuu yidhi Zelenskyy, isagoo garab taagan Madaxweynaha Lithuania Gitanas Nauseda.

Madaxweynaha Ukraine ayaa NATO ka doonaya jadwal cad oo ku saabsan sidii dalkiisa loogu soo dari lahaa xullufadda. “Maanta waxaan halkan u ambabaxay innaan rumaysto… NATO oo aan ka labalabayn, waqtina lumin. Waxaan jeclaan lahaa inuu noqdo kalsooni, kalsoonida xalalka aan u qalano,” ayuu yidhi Volodymyr Zelenskyy.

 

Goor sii horraysay xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in ku biiritaanki hore ee NATO aannay la socon waqti cayiman, “Waxay ku salaysan yihiin shuruudo.” Zelenskyy waxa uu u mahad celiyay dadka Lithuania sida ay u qaabileen qaxoonti baddan oo dagaalka Ukraine kasoo cararay.

“Calamada Ukraine ee ku yaal waddooyinka Lithuania waxay si cad u cadaynayaan in aan horreba u ahayn xullufo iyo in Ukraine ay difaacdo xorriyaddeeda,” ayuu yidhi. Zelenskyy oo marka uu hadlayay xaggiisa danbe ay kasoo muuqanaysay sumadi Twitter-ka ee “#UkraineNato33”, taasoo tilmaamaysa qorshaha Ukraine ay ku doonayso inay ku noqoto xubinta 33-aad ee isbahaysiga Millateriga kaddib dalalka Finland iyo Sweden oo ku biiray NATO.

Estonia, Latvia iyo Lithuania waxay siin doonaan xullufadooda NATO innay si buuxda u helaan hawadooda ay wadaagaan, wasiirada difaaca ee saddexda dal ayaa ku heshiiyay shirkii NATO ee Vilnius.

Arrintan ayaa lagu macneeyay innay tahay mid ka dhigan in dhammaan wadamada NATO ay awoodi doonaan innay isticmaalaan hawadooda ay wadaagaan iyada oo aan la ogeysiin.

Hase yeeshee dalalka Estonia, Latvia iyo Lithuania oo hore uga tursnaa Midawgii Soofiyeeti, isla markaana hore ugu biiray NATO, maaha kuwo haysta diyaarado dagaal oo iyaga u gaar ah,  waana sababta NATO ay u ilaalinaysay hawada Baltic ilaa 2004. Sidaa awgeed xullufaddu waxay si joogto ah u beddelaan diyaaraddaha dagaalka iyo shaqaalaha, waxayna ku sugan yihiin garoommada ciidamada ee Siauliai (Lithuania) iyo Amari (Estonia), iyadoo la qorshaynayo in sannadka soo socda, hawada lagala socon doonaa Lielvarde (Latvia).

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com