“Waxana Dumay Difaaca Cirka ee Ukraine.” Colonel Douglas Abbott

Araweelo News Network.

Washington (ANN)- Colonel Douglas Abbott Macgregor Douglas oo ah Khabiir Millateri oo Maraykan ah, isla markaana ah qoraa iyo falanqeeye arrimaha Millateriga, ayaa sheegay in Difaaca Cirka ee Ukraine dumay.

Laxidhiidha: Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Khatarta Weerarkii Ugu Weynaa Yurub Oo Ruushku Qaaday Tan iyo Dagaalkii Labaad

 

“Ruushka ayaa wax walba baabiin doona maalmaha soo socda, waxana dumay difaaca Cirka ee Ukraine.”ayuu  yidhi, isagoo ka hadlayay xaaladda dagaalka Ruushku ka wado dalka Ukraine.

 

Douglas Abbott oo hore u qaatay Biladda Adeegga Sare ee Difaaca Millateriga Maraykanka (DSSM) shaqada Ciidanka ka fadhiistay, isla markaana ah  la taliye wuxuu Madaxweyne Donald Trump 2020, u magcaabay inuu noqdo danjiraha Jarmalka, laakiin Senate-ka ayaa diiday magacaabista, wuxuuna xilligan ka mid yahay Khuburada arrimaha Milleteriga ee reer galbeedka ee falanqeeya rriimaha dagaalka Ukraine kuwa ugu macquulsan.

Mar uu ka hadlayay taageerada Midawgya Yurub iyo Maraykanka ee Ukraine, wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka beddelin xaaladda, iyadoo dhinaca kale uu xusay in aan marnaba la odhan karin in quwad ahaan Ruushka laga guulaysanayo.

Laxidhiidha: Ukraine: Caasimadda Oo Laydhka Iyo Biyaha Laga Jaray Iyo Magaalooyinka Oo Duqaymaha Cirka Iyo Qaraxyadu Hadheeyeen

 

Dhinaca kale, Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa rajo xumo ka muujiyay 3 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Ukraine, taas oo ay ugu wacan tahay khasaaraha ka soo gaadhay kaabayaasha tamarta ee magaalada ee duqeymaha Ruushka.

“Kani waa jiilaalkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka,” Klitschko ayaa sidaa u sheegay wargeyska Jarmalka ee Bild, oo lagu daabacay Arbacadii.

Kyiv iyo dadka deggan waa inay u diyaar garoobaan “xaaladda ugu xun” ee Laydh goynta baahsan iyo heerkulka hooseeya, taas oo ay tahay in qaybo ka mid ah caasimadda laga saaro, sida uu sheegay Klitschko.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in aannay rabin inay taasi timaado, sida uu ku dooday Feedhyahankii hore ee xirfadlaha ahaa Klitschko.

Wuxuu sheegay in Ruushka gantaalo ku soo daadiyay guud ahaan Ukraine, taasoo ku khasab ka dhigtay in la xidho xarumaha tamarta Nukliyeerka, isla markaana wuxuu ku eeddeeyay Moscow inay wado olole ay ku doonayso in ay Magaalooyinka Ukraine ku gasho mugdi iyo qabowga jiilaalka.

Gantaalaha iyo duqaymaha ayaa Ruushku sii kordhiyay tan iyo October wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Buundada isku xidha Crimea iyo Moscow, taas oo ka cadhaysiisay Ruushka.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Midawga Yurub, ayaa Arbacadii ka hadlay xaaladda duqaymaha Ukraine, waxayna ku tilmaameen “Weerarada in ay yihiin  xasuuqa badheedhka ah ee ay geysteen ciidamada Ruushka iyo kuwa gacansaar la leh ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan Ukraine, burburinta kaabayaasha rayidka iyo xadgudubyada kale ee halista ah ee sharciga caalamiga ah iyo kuwa bini’aadantinimada waxay noqonayaan falal argagaxiso waxayna ka dhigan yihiin dambiyo dagaal,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Yurub.

Sidoo kale, Maraykanka, ayaa ku tilmaamay duqaynta Ruushka mid muujinay waxa loogu yeedhay ficilada keenaya cawaaqibka xun oo ay ka dhalanayaan denbiyo bini’aadanimo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com