Waxay Ku Dhowaatay Astaanta Aqalka Capitol Hill, xisbiga Dimuqraadiga ayay hoggaaminaysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay

 

Araweelo News Network.

 

Washington (ANN)-Afhayeenka aqalka Congress-ka Haweenayda Nancy Pelosi, ayaa sheegtay Khamiistii in aannay mar danbe isu taagayn doorasho, sidoo kale aan wax hunguri ah kaga jirin jago hoggaamineed oo Congress-ka cusub ee la doortay iyo xil kale oo siyaasadeed midna, kaddib markii Dimuqraadiyiinta ay lumiyeen awoodda Aqalka, iyadoo Xisbiga Jamhuurigu la wareegay doorashadii xilliga dhexe, wallow uu aqlabiyad yar ku guulaystay.

 

 

 

Afhayeenka Nancy Pelosi, oo xisbiga Dimuqraadiga hoggaaminaysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa ku dhawaaqday in ay sii ahaan doonto Congress-ka sanadka soo socda, laakiin ay ka tagi doonto hoggaanka.

Nancy Pelosi, oo ahayd haweenaydii ugu horraysay ee xilkaas qabata iyadoo noqotay hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee Aqalka, iyadoo ka hadlaysa sida aan hunguri ugaga jirin xil danbe tidhi, “waxaa la gaadhay saacaddii uu jiil cusub hoggaamin lahaa.”

Xisbiga Dimuqraadiga California ayay hoggaaminaysay labaatankii sannadood ee u danbeeyay tan iyo 2003. Sidoo kale, Pelosi waxay markii ugu horreysay noqotay afhayeenka sannadkii 2007, iyadoo sheegtay inay dildilaacday saqafka sare ee siyaasadda, kaddib markii Dimuqraadiyiintu ay awoodda ku qabsadeen doorashooyinkii dhexe ee 2006, taasoo dhabar jab ku ahayd Madaxweynihii xilligaa George W. Bush.

Markii ay diyaar u ahayd 2018, inay ku soo noqoto Afhayeenka, xilligii Madaxweyne Trump, waxay wacad ku martay “inay muujinayso awoodda ay leedahay, taas oo ay kaga dhabaysay.

 

Pelosi waxay si isdaba joog ah u adkaysanaysay caqabadaha hoggaaminta sannadihii la soo dhaafay, waxayna soo jeedisay 2018, inay afar sano oo dheeri ah sii ahaan doonto hoggaamiye, waxaana dhowaan weerar lagu qaaday Ninkeeda oo lagu weerraray gurigooda, waxayna xilligaa shaaca ka qaaday in weerarka ninkeeda uu saameyn ku yeelan doono go’aankeeda.

Weerrarka Paul Pelosi, ayaa sababay dhaawac soo gaadhay oo lafta madaxa ka jabiyay, kaddib markii ninka soo galay gurigooda saqdii dhexe xilli habeenimo ah, isagoo raadinaya hoggaamiyaha Dimuqraadiga.”Meeday Nancy?” ayuu ku dhawaaqayay, waxay u muuqatay taageerayaashii Trump ee u dhacay Capitol Hill  Jan. 6, 2021, markii ay ugaadhsanayeen Pelosi, iyagoo xilligaa isku deyay inay ka joojiyaan Congress-ka inay caddeeyaan guushii Joe Biden ee doorashada lagaga adkaaday Trump.

Hase yeeshee waxa lagu tilmaamaa Haweenay usoo kacday Dimuqraadiyiinta California, oo miisaan siyaasadeed leh, taas oo noqotay haweeneydii ugu horraysay ee qaranka ee qabta Afhayeenka Aqalka Wakiillada, waxa laga soo dooranayay San Francisco, waxayna jagadaas wakiilka ahayd haysay 35 sannadood, iyadoo ku guulaysatay dib u doorashadii 19aad.

khudbadeeda ay ku shaacinaysay go’aankeeda oo ka hadlaysa aqalka golaha, ayaa ahayd mid qiira baddan ka buuxdo, iyadoo laga dareemayay daal iyo xabeeb, waxay tidhi, “Waxaan ahaa lix jir, Aabbahay wuxuu ku dhowaa in loo dhaariyo markii shanaad ee congress-ka, wuxuu ahaa wakiil aad loo jeclaa, xilligaa waxay sheegtay in ay walaallaheed u sheegi jireen Aqalka Cad dhismayaasha iyo qaybaha uu ka kooban yahay (Capital A,B, C), balse ay ugu danbayntii sida ay sheegtay fadhiisto guriga ugu quruxbadan aduunka.

Nancy Pelosi, waxay carabka ku adkaysay in aannay ilaabayn markii ay noqotay Afhayeenka Aqalka, iyadoo xustay in Aabeheed iyo walaallaheed sabab u ahaayeen inay timaado Aqalka Cad.

Kooxda hogaaminta Pelosi, oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Steny Hoyer ee Maryland iyo Whip Dimuqraadiga James Clyburn ee South Carolina, waxay muddo dheer kusoo jireen siyaasadda, laakiin hadda oo ay da’doodu tahay 80-meeyadii, saddexda hoggaamiye ee Dimuqraadiga ah ee Aqalka waxay la kulmeen dhawaaqyo lagaga dalbanayo in ay dhinac isaga taagan siyaasadda oo ay u oggolaadaan jiil cusub inay xilka qabtaan.

James Clyburn oo Dimuqraadiga uga soo baxa South Carolina, ayaa Pelosi, kaddib soo saaray bayaan uu ku sheegayo inuu rajaynayo inuu wax kasta oo uu awoodo samaynayo, “ si aan u caawiyo jiilkayaga cusub ee Hogaamiyaasha Dimuqraadiga, oo aan rajeynayo inaan noqdo Hakeem Jeffries, Katherine Clark iyo Pete Aguilar.”ayuu yidhi.

 

Aqalka Capitol Hill waxay Pelosi iyo kuwa kale rajaynayaan inay Dimuqraadiyiinta usoo bixi karaan hoggaamiyeyaal horumarsan marka ay usha u dhiibaan jiilka cusub ee Dimuqraadiyiinta.

 

Afhayeenka Nancy Pelosi markii ugu horreysay ee la doorto 1987, waxay ahayd shakhsiga laf-dhabarta u ah siyaasadda Maraykanka, muddo dheer, iyadoo Jamhuuriga dhuunta u gashay, iyadoo u muuqatay sharci-dejiye xirfad leh iyo awood dhaqaale ururin, iwaxayna kalsooni weyn ka heshay asxaabteeda Dimuqraadiga ah oo si isdaba joog ah u qadariyay, balse dhinaca kale waxay ka baqeen astaanta hogaamineed ee awooda baddan.

 

Pelosi waxay si isdaba joog ah u adkeysaneysay caqabadaha hogaaminta sanadihii la soo dhaafay waxayna soo jeedisay 2018, inay afar sano oo dheeri ah sii ahaan doonto hoggaamiye.

.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com