Araweelo News Network.

Bulshada Carabta Oo Dusha Ka Saaraysa Qaraxii Magaalada Istanbul Gabadh Soomaaliyeed

Iyadoo dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka Turkey ay Iska difaacayaan in waddamadooda lagu sheego gabadhii qaraxa Geeysatay, ayay si lama filaan ah gabadhan Soomaaliyeed uga soo muuqatay Baraha bulshada, iyadoo difaacaysa gabadhaa qaraxa Geysatay.

 

Isla markiiba saxaafadda Carabta iyo dadka isticmaala baraha bulshada ee kasoo jeeda dalka SUURIYA ayaa baahiyay in Haweenay Soomaaliyeed ay sheegatay inay walaalo yihiin gabadhii Geysatay Qaraxa.

 

Dabcan Turjumaad khaldan ayay ka gudbiyeen, balse warka ayaa baahay oo meel Fog gaadhay.  Waxaa la arkayay gabadhaa oo  Afsoomaali ku hadlaysa oo aan wax Turjumaad ah lagu samayn hadalkeeda.

 

Khaladka ay gabadhan Soomaaliyeed gashay ayaa ah inay muuqaal toos ah oo TikTok ah,  kasoo muuqatay iyadoo ka hadlaysa arrimaha ammaanka dalka Turkey-ga.  Gaar ahaan sida qaraxu u dhacay, iyo inay hayso sawiro laga argagaxo oo muujinaya in ay ku dhinteen dad baddan,  iyo in laamaha ammaanka Turkey-du si gar darro ah oo ugu eeddeeyeen Gabadhaa ay ku sheegeen inay waddanka  SUURIYA u dhalatay.

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo si fudud dembiyo aannay shaqo ku lahayn qoorta ula gelaya, iyagoo aan garanayn sida ay ugu noolaan lahaayeen waddamada ay Joogaan, gaar ahaan waqtiyada xassaasiga ah ee loo baahnaa inay ka gaabsadaan amma ammaanka iyo siyaasadda waddamada ay ku noolyihiin.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.