#Araweelo_News_Network.

Tel Aviv (ANN)- Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo uu garabkiisa taagan yaahay Ra’iisal Wasaaraha Isael Benjamin Netanyahu, ayaa si wadajir ah ula hadlay saxafadda, kaddib booqashida Blinken ee Tel Aviv.

Blinken wuxuu yimid Israel Khamiistii . Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda sare ee Israa’iil iyadoo Maraykanku uu xoojinayo taageerada uu siiyo dalkaasi. Blinken ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Tel Aviv ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu beri wada hadal la yeesho madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

“Berrito, waxaan u tegi doonaa Israa’iil si aan si toos ah ula wadaagno asxaabtayada Israa’iil xaaladda goobta iyo si aan uga wada hadalno siyaabaha aan u sii wadi karno taageerada iyaga dagaalka ka dhanka ah weerarradan argagixisanimo.” Ayuu yidhi, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Antony Belinken.

“ Taageeradayada Israel ayaa ah mid aan leexleexad lahayn. “ayuu yidhi, Belinken oo bartiisa Twitter kusoo qoray ka hor booqashadiisa ku waajahan Tel Aviv, sidoo kale, wuxuu sheegay inuu la xidhiidhay khadka Teleefanka Madaxweynaha Israel, si uu ugu xaqiijiyo taageerada Maraykanka.

Madaxweyne Biden oo goor sii horaysay kulan gaar ah la yeeshay kooxda muhiimka ah, aya dhankiisa sheegay innay garab istaagayaan Israel, isagoo yidhi, “waxaanan la fadhiistay kooxaheenna si aan u helo xogta ku saabsan weerarka argagixisanimo ee Israa’iil iyo in aan toosiyo tallaabooyinka xiga.”

Madaxweyne Biden, ayaa sidoo kale sheegay inuu xidhiidh la sameeyay Ra’iisal wasaaraha Israel, isagoo yidhi, “Waxaan la xidhiidhnay Ra’iisal Wasaare Netanyahu si aan uga wada hadalno isuduwidda taageeridda Israa’iil, ka hortagga jilayaasha cadowga ah, iyo ilaalinta dadka aan waxba galabsan.” Ayuu yidhi, waxayna dhawaaqyada badheedhka ah ee Madaxweynaha Maraykanka iyo qaar ka mid ah Madaxda ugu saraysa xukuumaddiisa si cad u muujinayaan taageerada dagaalka oo Yuhuudu doonayso in meesha laga saaro Falastiiniyiinta, kaddib weerarkii Sabtidii ee Israel iyo xullufadda Maraykanka ku noqday lama filaanka.

Waxa muuqata in xaaladdu bilaw u tahay dagaalka uu hore u saadaaliyay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibbada Maraykanka Henry Alfred Kissinger oo ah rug-cadaa ku xeel dheer siyaasada iyo arrimaha Istiraatiijiyada, isagoo dhawr sannadood ka hor waraysi uu bixiyay ku sheegay in la gaadhay xilligii uu dunida ka dhici lahaa dagaalka saddexaad ee aduunka.

Xoghayihii Arrimaha Dibadda Maraykanka Kissinger ayaa ah ninkii dejiyay siyaasadda Bariga dhexe ee lagu dulaystay Carabta iyo qorshihii Masar loogu qoondeeyay dhaqaalaha Malaayiinka ah ee lagu taageero si loo ilaaliyo Israel, waraysiga uu bixiyay xilligaa halkan ka daalaco

“Dagaalka Saddexaad Wuxuu Ku Bilaabmayaa Iran, Bariga Dhexe Kala Badh Waa La Qabsanayaa, Muslimiintuna, ,,,,” Xoghayihii Hore Ee Arrimaha Dibbada Maraykanka Henry Alfred Kissinger

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com