Washington(ANN)- Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibbada Maraykanka Henry Alfred Kissinger oo ah rug-cadaa ku xeel dheer siyaasada iyo arrimaha Istiraatiijiyada, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii uu dunida ka dhici lahaa dagaalka saddexaad ee aduunka,

Henry Alfred Kissinger, ayaa hadalka yidhi, mar uu muddo hayay xanuun aamusiyay, wuxuuna sheegay muslimiintu ay dambaska noqon doonaan, balse jiritaanka hadalkaa ayaa abuuray doodo.

Kissinger oo ka hadlayay Istiraatiijiyada iyo dhaqaalaha dunida, ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyey dailysquib.co.uk, isagoo  yidhi,  “dagaalkii dunida ee saddexaad wuxuu  yaala albaabka, Iranna waxay noqonaysaa bilawgii dagaalkaas, waxayna Israel ku taamaysaa inay dilan carabta intii suurta gal ah, isla markaana qabsadaan kala badh dalalka Khaliijka” ayuu yidhi. Henry Alfred Kissinger  oo ahaa xoghayihii 56aad ee arrimaha Dibbada Maraykanka , 1973 – January 20, 1977, isla markaana asal ahaan kasoo jeeda Yuhuudii ka carartay dalka Jarmalka.

“Waxaan u sheegnay Milatariga Mareykanka in aan ku qasbanahay in aan qabanno todobo dal oo ku yaal Bariga Dhexe sababtoo ah muhiimada ay leedahay, gaar ahaan waxaa ku jira saliid iyo ilo dhaqaale oo kale, waxaa jira hal talaabo oo kaliya oo looga tagayo Iran,” ayuu yidhi.

Waxa kale Henry Kissinger, yidhi,  “Markii Shiinaha iyo Ruushku ay ku dhaqaaqaan nacasnimadoodii, weerarrada waawayn iyo Dagaalka Weyn ayaa lagu guulaysan doonaa, cida kaliya  ee xoogga, Israel iyo America ayaa ku guuleysan doona “, ayuu yidhi.

Kissinger oo ka hadlay aragtidiisa, in Israa’iil ay xukumi doonto kala badh dalalka Bariga Dhexe, wuxuu sheegay in dhallinyarada Mareykanka iyo Yurub ay si fiican ugu tababaranayeen dagaalka tobbankii sanno ee la soo dhaafay, iyo markii la amray in ay u baxaan si ay ula dagaallamaan kuwa waalan, isagoo ula jeeda dalalka Islaamka.

“Israa’iil waa innay ku dagaallamaan xooggeeda iyo hubkooda si ay u dilaan carab baddan intii suurogal ah Iyo qabqabashada qayb ka mid ah Bariga Dhexe , muslimiintuna waxay noqndoonaan dambaska” ayuu yidhi, Henry Kissinger, oo qayb ka ah siyaasada Yuhuudu kula dhaqanto dalalka Islaamka, wuxuuna ahaa ninkii dejiyay qorshaha dalka Masar Millaterigiisa lagu siiyo lacagta $ 100Mllyan oo dollar sanadkii si ay Israel uga badbaado.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com