“Kissinger waa kii ugu Da’da weynaa ee dagaal-oogayasha nool ee Aduunka ,” Daniel Patrick Welch.

>Wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay Gobolka Khaliijka Iyo In Israel tahay Awoodda Gobolka

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

#Araweelo_News_Network

Washington(ANN)-Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Henry Kissinger, isla markaana ahaa Lataliye iyo dublamaasi qoraa ah oo magaciisu ku faafay masraxyada siyaasadda Aduunka, sidoo kale la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, dagaalkii Vietnam, wallow doodo ka taagan yihiin weli qaabka uu ku mutaystay, ayaa  ku geeriyooday Maraykanka 29 Nov 2023.

Kissinger, ayaa  isaga oo ay da’diisu ahayd 100 jir ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryakanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.

Kissinger, ayaa saamayn weyn ku yeeshay arrimaha siyaasadda caalamka muddo siddeed sanno ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo kala noqday iyo muddo dheer oo uu noqday Lataliye Siyaasadda Arrimaha Dibbada ah, wuxuu xilalka Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka usoo noqday madaxweynayaashi hore ee Maraykanka Richard Nixon iyo Gerald Ford 1973 ilaa 1977.

Henry Kissinger, oo asal ahaan kasoo jeeda mujtmaca Yuhuuda, ayaa ku dhashay dalka Gemany  27 May 1923, isagoo geeriyoodaY 29  Nov 2023, wuxuuna kasoo jeeday Yuhuudii u qaxday Maraykanka dagaalkii labaad ee Aduunka.

Dublamaasiga Kissinger, ayaa ahaa mid ka mid ah kooxdii jeexday siyaasadda Maraykanku dunida ku guumaystay ee Imparaaliyada, wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay qaabka Maraykanku u maamulo dhaqaallaha iyo khayraadka dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa loo bixiyay dalalka Khaliijka oo la doonayay in lagu wiiqo fekradihii iyo dabaylihii Jaamacadda Carabta iyo Midawga Carbeed, sidoo kale, wuxuu ahaa Siyaasi Dublamaasi iyo qoraa door weyn ka qaatay qaabka Israel looga dhigay awood gobolka Bariga dhexe ku doobisa, taas oo markii la sameeyay dalalka Khaliijka laga dhaadhiciyay si ay rumaystaan, kaddibna aduunka kale iyo dunida Islaamka loo sheegay in Israel tahay quwad gobolka ah.

Kissinger, ma ahayn mid ka baxay masraxyada siyaasadda ilaa uu ka geeriyooday, wuxuuna ahaa shaqsi weli door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Maraykanka.

Henry Alfred Kissinger, ayaa  ka qeybgeli jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada Buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka Nukliyeerka ee ay samaysan karaan dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee dunidu. Sidoo kale, wuxuu tallooyin ka bixin jiray siyaasaddaha Maraykanka ee ku waajahan aduunka, wuxuuna ka digay sannadkii hore intii uu socday dagaalka Ikraine in Maraykanka iyo Shiinuhu isku dhacaan oo dagaal dhexmaro.

Xilligaa ka hor, wuxuu qoraal dheer sannadkii 2019, ku shaaciyay in dagaalka Saddexaad ee Aduunku uu saaranyahay Albaabka, gaar haan  Bariga dhexe,  “dagaalkii dunida ee saddexaad wuxuu yaala albaabka, “Iranna waxay noqonaysaa bilawgii dagaalkaas, waxayna Israel ku taamaysaa inay dilan carabta intii suurta gal ah, isla markaana qabsadaan kala badh dalalka Khaliijka,  isagoo saadaaliyay in dalal baddan oo Carabta ah, gaar ahaan kuwa Khliijka, sidaa awgeed ay khasab tahay in Millateriga Maraykanku qabto 7-dal oo ku yaal Bariga Dhexe, waana qaabka uu dagaalka ka biilbmay Qaza 7 Oct 2023, u muuqdo xilligan, kaas oo yeeshay sansaanka saadaashiisa dhawr sannadood ka hor uu bixyay Kissinger.

Laxidhiidha:“Dagaalka Saddexaad Wuxuu Ku Bilaabmayaa Iran, Bariga Dhexe Kala Badh Waa La Qabsanayaa, Muslimiintuna,” Kissinger.

Henry Kissinger, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo lataliyihii amniga qaranka Maraykanka, ayaa noqday Dublmaasi si weyn loo ixtiraamo masraxyada siyaasadda Maraykanka, laakiin meelo baddan op dunida ah, ayaa looga yaqaanay beenaale iyo dagaal ooge malaayiin dad ah laayay, ama sabab u ahaa in Maraykanku burbiyo dalal baddan oo aduunka ah, Kissinger  waa dambiile dagaal oo dilay malaayiin qof, waana astaan u taagan imbaraariyaddii Maraykanka, sidaa waxa yidhi, qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo Maraykan ah.

 

“Waa wajigii ugu muhiimsanaa ee dagaal-gelinta Imperial ee Maraykanka oo dabcan ku dhaawacmay helitaanka Abaalmarinta Nabadda ee Nobel,” ayuu yiri Daniel Patrick Welch, oo ka faallooda siyaasadda Boston, Massachusetts.

Kissinger wuxuu helay abaalmarinta nabada isagoo dilay laba milyan oo qof oo ku nool Bariga Aasiya, “taas oo ah waxa guddiga Nobel uu u muuqdo inuu ku fiican yahay,” Welch ayaa u sheegay Warbaahinta mar uu Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Henry Kissinger ka qaygalay xus loo sameeyay siyaasi sare ee xisbiga Social Democratic Egon Bahr oo ka dhacay kaniisada St. Mary’s ee magaalada Berlin, Germany, Sebtembar 17, 2015 Egon Bahr, oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga Sooshal dimuqraadiga ee Jarmalka oo isaga iyo raysal wasaare Willy Brandt uu been abuur ku sameeyay Kissinger.

 

Daniel Patrick Welch, ayaa sidoo kale, xilligaa sheegay in Kissinger, oo ahaa xoghayihii dawladda iyo lataliyaha amniga qaranka xilligii Richard Nixon iyo Gerald Ford, uu weli ahaa mid cod ku leh siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ee saamaynta leh isagoo  93 jir ah

.Mar la weydiiyay sida uu Kissinger ku helay abaalmarinta nabadda ee Nobel, Welch wuxuu ku jawaabay in sida caadiga ah: Laba milyan oo qof lagu dilay Koonfur Bari Aasiya kaddibna lagu qasbay in la joojiyo dagaalka oo lagu abaalmariyo shan sano kaddib, balse aannay ahayn mid cadaalad ah.

 

Waraysiga oo xilligaa laga sii daayay,  CBS, oo ay soo xigatay Araweelo News Network, 2016, ayaa ku beegnaa doorashadii Maraykanka ee Madaxweyne Trump. Kissinger wuxuu sheegay in madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu ku guuleysan karo “wax cajiib ah” siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay madaxweynaha imaan doona “wax ifafaale ah.”

Welch, oo daba socda dood uu qabay Kissinger ee ku waajahnayd madaxweynihii hore Bush, ama madaxweynaha xilka ka degayay waqtigaa ee Obama, wuxuu ku andacooday in asal ahaan Ameerika uu ka saaray siyaasadda caalamiga ah.

 

Dublamaasiga ruug-caddaa ah ee Kissinger sheegay in hoggaanka Maraykanku uu mar walba saamayn ku leeyahay qaabaynta nidaamka adduunka, wuxuuna rajo ka muujiyay in Washington ay sii wadi doonto ilaalinta dhaqankaas.

 

Hase yeeshee, Welch oo daba socda doodaa ayaa sheegay in Kissinger uu “la’yahay, waxaan u malaynayaa, laba shay halkan ula kac, sababtoo ah isagu waa faqiir iyo meel bannaan, ama waxa uu u janjeedhaa sidii aan idhi.”

 

“Waxa ku jirta fikraddiisa qosolka ah ee ah in Obama aanu u qallafsanayn sida Bush, ee ah ‘Maraykanku wuu ka noqday masraxa adduunka.” ayuu yidhi, taas oo ahayd aragtidii Kissinger ee siyaasadda Maraykanka ee Aduunka.

 

“Kaliya weydii Suuriya iyo Liibiya, Yemen, Ciraaq, Pakistan, Venezuela, , Honduras, Argentina. Kaliya waa fikrad nacasnimo ah oo ku duulaysa runta wejiga, “Welch ayaa yidhi, isagoo tilmaamaya waxyaabaha uu ku doodayo  Kissinger.

 

“Ninkani waa 93 jir, waxaadna la yaaban tahay sababta markii dad badan oo wanaagsan ay dhinteen, sababta SOB-du weli u nooshahay oo waxay noqon kartaa in caalamku uu sii noolaado isaga oo ah sheeko digniin ah oo ah, Kissinger waa kii ugu da’da weynaa ee dagaal-oogayasha nool ee aduunka ,” ayuu yidhi, Daniel Patrick Welch.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com