#Araweelo_News_Network.

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn walaac uga muujisay qaraarka  Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in cunnaqabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya 31 sanno kaddib.

Qaraarka Gollaha amaanka kasoo baxay, ayaa kusoo beegmay xilli ay Soomaaliya kasoo cusboonaadeen dagaallo qabali ah, kuwaas oo ka jira meelo kala duwan oo guud ahaan Soomaaliya ah, isla markaana la saadaalinayo innay Soomaaliya ku celiyaan xilligii sagaashanaadkii ee dagaalka Beellaha, iyadoo xilligan meelaha ugu xasilooni badnaa sida Gobolka Sool ee Koonfur Bari Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay ka socdeen dagaallo dhiig baddan ku daatay oo qaab beellaysan iyo hab qabiil isugu soo biya shibanaya.

Sidoo kale, cunaqabataynta Hubka, ayaa abuuray dooddo si weyn loogu naqdiyayo, taas oo loo arko mid tallaabo aan xilligan haboonayn, maadaama aannay Soomaaliya weli ka jirin dawllad awood leh oo gacanta  ku wadahaysa dhammaan deegaamada, sidaa awgeed ay wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika oo ay uga sii darto xaalladda collaaddaha qabaliga ee xilligan dib usoo cusboonaaday iyo qabaailka is hubeeyay, iyadoo sidoo kale dooddaha qaar wallaac ka muujinayaan in Hubka cullus oo noqon karo mid u gacan gala kooxaha dagaalka kula jira dawladda Federaalka, sida Al-shaab sida marar hore dhacday iyo qabaa’ilo qaarkood u arkaan fursad ay ku heli karaan hub, taas oo ay markhaati u yihiin dagaalada qabaliga ah ee ka socda xilligan deegaamo kala duwan oo dhulka Soomaalida ah iyo collaada ka aloosan gobolka Sool.

 

Dalalka xubnaha ka ah Gollaha Amaanka oo ka kooban 15, oo shan ka ka mid ah ay leeyihiin codka diidmada qayaxan, ayaa qaab gacantaag ah ugu coddeeyay in cunaqabataynta Hubka ee saarnayd tan iyo marki ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxay   14 ka mid ah u coddaysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayn hubka, tan iyo qaraarkii gollaha amaanka ee 1992, wallow marar hore tiraba laba jeer laga khafiifiyay, balse tani waxay albaabada u furi doonta in dowladda Soomaaliya  soo iibsato hub culus oo casri ah, kaas oo dalalka reer galbeedka ee Maraykanka iyo Britain hormoodka u yihiin oo qorshahan miiska soo digay, iyagoo ku dooddaya in cunaqabataynta Hubka  ay xilligan kaalin muhiim ah ka qaadan doonto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta (Al-shaabab) oo muddooyinkii u danbeeyay dawladda Federaalka ah sheegtay innay ka xorraysay deegaamo baddan oo gobollada Soomaaliya ah.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqashadii uu ku tegey New Yor, horaantii June 2023, wuxuu gollaha Amaanka u gudbiyay codsi uu ku dalbanayo in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka, si loo sugo amniga oo dawladda Federaalku u hanato xasiloonida deegaamada Soomaaliya oo in baddan oo ka mid ah ay gacanta ugu jiraan Al-shabaab.

Related: “The request of the President of the Federal Government of Somalia to lift the arms embargo has brought scandal to the Security Council and the United States

Dhankeeda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qoraal saxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay qaraarka lagu laalay cunnaqabataynta Hubka ee Soomaaliya, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay walaac xooggan ka muujinaysaa, isla markaana si weyn uga soo horjeedda cunaqabataynta  hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo gollaha ammaanka ee qaramada midoobay kusoo saartay qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992).”

Waxa aannu aaminsan nahay in qaadista cunaqabtaynta Hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland, isla markaana ay ku laysay in ka baddan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta  hub si fudud loo helo. Ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka dawladda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxa y sheegtay innay  waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, sidaa awgeed “waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacanta u galo kooxaha xagjirka ah (Al-shabaab) iyo kooxaha malleeshiyaadka.”

Qoraal saxaafadeedka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, “Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah, sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cunaqabtaynt hubku waxa ay sii hurin kartaa kooxahan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo innay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira.”

Sidoo kale, qoraal saxafadeedka ayaa lagu sheegay in xilligan aannay Soomaaliya si cad u samaysan nidaam habboon oo lagula socdo hubka,  isla markaana lagu kormeero ama siyaasadaha maamulka Hubka. “Tani waxa ay kor u qaadaysaa wererka weyn ee ku saabsan in hubka loo leexyo kooxaha argagixisada (Al-shabaab)  iyo kuwa xagjirka ah, taasoo uga sii daraysa xasilloonida gobolka. Loollanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid suurtagal ah, marka la qaado cunaqabtaynta hubka. Taasoo shaki la’aan manja-xxabin karta,  xasilloonida iyo degganaanshaha gobolka sidoo kalena abuuraysa jawi hubka tartan loogu jiro.”

Sidaa awgeed Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay usoo jeedinaysaa gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay innay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka.”

Qoraal saxaafadeedka, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,oo ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxay ku sheegtay innay ka  go’antahay innay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com