Madaxweyne Joe Biden Oo Sheegay In Kow iyo Toban Maraykan Ah Lagu Dilay Dagaalka Israel Iyo Xamaas

#Araweelo_News_Network.

 

Tel Aviv (ANN)- Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in mintidiin ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ku dileen ugu yaraan 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, oo u badan rayid, weerarradan oo ay ku tilmaameen kuwo argagixisanimo.

Tirada cusub ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Israel ay sheegeen innay heleen tirooyin Maydad ah oo cusub, kuwaas oo sida ay sheegeen laga helay magaalooyinka ay Xamaas qabsatay ee laga saaray.

Laxidhiidha: Maraykanka  Oo Si Badheedh Ah U Sheegay In Aannay Ka Leexleexanayn Taageerada Israel Dagaalka Xamaas

Israa’iil ayaa xoojisay duqaymaha aargoosiga ah ee ay ku hayso marinka Qaza, halkaas oo saraakiisha Falastiiniyiinta ay sheegeen in ugu yaraan 900 oo qof ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo sid dhab ah loo godoomiyay Qaza.

Lt. Col. Jonathan Conricus oo u hadlay ciidamada Difaaca Israel oo waraysi siiyay waraabinta Jarmalka, ayaa la weydiiyay in duqaymaha Isreal ee Xamaas ay khatar kale ku yihiin dadka shacabka ah ee Faalstiin iyo sida looga badbaadin karo dadka la haysto ee Xamaas gacanta ugu jira, balse wuxuu sheegay in aannay saamayn ku yeelanayn duqaymaha ay ka wadaan Qaza, la haystayaasha iyo shacabka Falastiin.

Laxidhiidha: Saadaashii Henry Kissinger Dagaalka Saddexaad Ee Ka Bilaabmay Bariga Dhexe

Wuxuuna intaa ku daray in ay ogyihiin in dadka la haystaa ay yihiin kuwo haysta dhalashooyin kala duwan.“Waxaan ognahay in dadka la haystaa dhalashooyin kala duwan haystaan Amarecian, Germany, Farance, British, Brasilian Ukranian iyo Israelian”ayuu yidhi, Lt. Col. Jonathan Conricus, isagoo xusay in ay Qaza ay ka baxeen ku dhowaad laba milyan oo Falastiiniyiin ah, isla marakana duqaymaha ay ka wadaan yihiin kuwo ku waajahan goobaha Xamaas saldhigyada iyo gaboodka ka dhigtay oo keliya, balse aannu hadafkoodu ahayn in waxyeelo la gaadhiiyo dadka shacabka ah.

Laxidhiidha: Iran Iyo Hezbollah Waxay Ku Biiri Doonaan Dagaalka Yuhuuda, Sarkaal Xamaas U Hadlay

Ma jirto cid xaqiijisay in ay jiraan dad Maraykan ah oo ku jira tirada ay Xaamas haystaan, balse Afhayeenka gollaha ammaanka qaranka Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in tiro dad ah oo Maraykan ah aan la hayn meel ay ku sugan yihiin, isla markaana uu jiro walaac laga qabo in ay ku jiraan dadka la qafaashay, iyadoo Madaxweyne Joe Biden.sheegay Kow iyo toban Maraykan ah lagu dilay dagaalka u dhexeeya Israel iyo xamaas.

Sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya burburka ka dhashay duqaynta aan loo miidaandeyin ee Israel ka wado Qaza oo ku jirta godoon kii ugu xumaa tan iyo markii ay Xamaas gacanta ku qabatay Qaza 2007.

 

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay hadda dib ula wareegeen gacan ku haynta xadka ay la wadaagto Qaza, iyadoo Ciidamada Israel ay goor sii horaysay sheegeen in Baarlamaanka Gaza iyo wasaaraddaha rayidka ah ay yihiin bartilmaameedyo sharci ah oo ku waajahan duulaanka ka dhanka ah Xamaas.

“Haddii uu jiro nin hubaysan oo gantaalo kasoo ridaya halkaas, waxay isu beddeshaa bartilmaameed Milllateri,” sidaa waxa yidhi, afhayeenka ciidamada Israel Richard Hecht oo ay soo xiganaysay warbaahinta Israel.

Ciidamada cirka ee Israel ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha dhanka cirka ah iyadoo saraakiishu ay intaa ku dareen in ka badan 1,000 weerar ay horey uga dhaceen Qaza. Millateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay burburiyeen Masjid ay sheegeen in uu ahaa goob hub lagu diyaarinayay.

Hase yeeshee Saraal sare oo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegay in xulafadda sida Iran iyo Hezbollah ay ku biiri doonaan dagaalka “haddii Gaza lagu soo qaado dagaal lagu xasuuqayo” Sarkaal ka tirsan Milliteriga Israa’iil ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta ka cararaya weerarada cirka ee Marinka Gaza ay u jiheystaan Masar.

Xukuumadda Yuhuuda ayaa ku hanjabtay in Gaadiid dhinaca Masar ka imanayay oo Falastiiniyiinta u siday gargaar ay la beegan doonaan duqaymo, taas oo khasab ka dhigtay in Gawaadhida Gargaarka ee Masar ayaa dib u gurtaan, iyadoo diyaaraddaha Israel ay tuurayaan Bambaanooyin halis ah, isla markaana duqaymaha maraakiibta dhinaca Badda ay kaga imanayaan Qaza oo ah kuwo aan sidan oo kale marnaba u dhicin, iyadoo gebi ahaanba la godoomiyay Qaza oo xaalladda ka jirtaa si weyn usoo jiidatay indhaha Caalamka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

 

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com