Washington(ANN)-Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerar la doonay in lagu qaado 3 goobood oo dalka Iran ah, isla markaana loo qorsheeyay in lagu dilo 150, uu joojiyay 10 daqiiqo ka hor intii aan la bilaabin weerarkaa.
Arrintaa ayaa Trump, kaga jawaabi lahaa kadib markii Khamiistii ay toogasho kusoo rideen Ilaalada kacaanka Iran diyaarad aan duuliye lahayn oo ciidamada Mareykanku lahaayeen, taas oo lagu soo riday gobolka koonfurta xeebta ee Hormozgan.
.
Sarkaal ka tirsan Pentagon, ayaa u sheegay wargayska Newsweek in Maraykanka ay bartilmaameed u ahaayeen weerarrada S-125 Neva / Pechora iyo nidaamka Soofiyeedka ee loo yaqaano isbahaysiga NATO ee galbeedka sida SA-3 Goa
Milatariga Maraykanku waxay sheeganayaan in hubka ay adeegsadeen Ilaalada kacaanka Iran ( IRGC) si hoos loogu dhigo maraakiibta Navy RQ-4A Global Hawk. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa si rasmi ah u caddaynaysa in ay u isticmaashay markii ay diiyaarada soo gashay hawadooda, iyagoo ku kalsoon raadarada iyo qalabka ay isticmaalayaan Ilaalada kacaanka Iran ee difaaca cirka iyo qalabka oo ah nooc ka mid ah nidaamka rasmiga ah ee Raadiyaha-dusha-hawada ee maxalliga ah.
Trump ayaa markii hore soo saaray digniino taxane ah, isaga oo ku adkeystay in RQ-4 Global Hawk uu duuliyay biyaha caalamiga ah, balse ay hoos u dhigeen maraakiibta Iran, wuxuuna talalabada Iran ku tilmaamay khalad weyn oo ay gashay Iran, balse wuxuu xusay inay xaaladu ka xumaan lahayd haddii ay diyaarada lasoo riday ahaan lahayd mid duuliye waday, wuxuuna sidaa u sheegay Khamiistii warfidiyeennada Xafiiska Aqalka Cad, isagoo xiligaa la kulmay Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau .
Arrintan ayaa noqonay markii labaad ee Madaxweyne Trump mudaadii uu xukunka hayay lagaga hor istaagay inuu isku dayo weearar uu la beegsado Iran, walaw dalka Iran aanu ahayn mid si fudud loogu qaadi karo weerar, kaas oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha iyo amaanka dunida.