Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, ayaa lacag dhan Ha; milyan oo dollar ugu deeqday gurmadka abaaraha.

Sidaana waxa sheegay ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ee Sabtidii.

Ra’iisal wasaare rooble, ayaa shirka kaga dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaare rooble Guddida Gurmadka Abaaraha faray in sida ugu dhaqsaha badan ay caawimaada ula gaadhaan deegaannada ugu daran ee abaartu saamaynta ku yeelatay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaadhsiinayo meelaha si daran ay u saamaysay abaartu.

Sidoo kale, wuxuu qoraalka ku xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta, aya lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com