Putin Oo Ka Hadlay Heshiiska Reer Galbeedka

#Araweelo_News_Network.

 

Moscow)ANN)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa si ba’an ugu weerraray Maraykanka iyo xullufaddiisa NATO, isagoo ku eedeeyay  innay reer galbeedku ka faa’ideystaan heshiiska qamadiga, iyaga oo danahooda gaarka ah ka faa’idaysanaya.

Vladimir Putin, ayaa sheegay innay reer galbeedku ula ka tageen dalalka saboolka ah oo baahi weyn u qaba raashinka, sidaana waxa lagu sheegay Maqaal uu daabacay Kremlin Isniintii, Putin ayaa shaaca ka qaaday sababta dhabta ah ee Ruushku uga baxay heshiiska isagoo albaabka u furay inuu ku laabto.

Wuxuu ku eedeeyay Maraykanka iyo Yurub innay ‘qalloocinayaan’ heshiiska bini’aadantinimo ee loogu talagalay in lagu yareeyo dhibaatada cunnada adduunka ee ka jirta dagaalka Ukraine., balse wuxuu Putin ka baxay gebi ahaanba heshiiskaa, isagoo shuruudo addag ka dalbaday reer galbeedka si loo soo nooleeyo heshiiska.

Hindisaha Hadhuudhka Badda Madow, waxa hakiyay xannibaaddii ay saareen ciidammada Badda ee Ruushka kaas oo ka ilaalinayay in sahayda cuntada ee Ukraine ay gaadho suuqyada caalamka, taas oo  waddamada saboolka ah ee Afrika iyo Bariga Dhexe si weyn u saamaysay illaa Kremlin si rasmi ah uga baxay heshiiska Isniintii.

Hase yeeshee faa’iidaystayaasha waxa ka mid ah, Shiinaha oo ah waa meesha ugu sareysa ee shixnadaha hadhuudhka ah ee ay fududeeyeen heshiiska dublamaasiyadeed oo ahaa mid jilicsan, kaas oo markii ugu horreysay ay gadhwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga sannad ka hor dhowr jeerna la kordhiyay.

Hadda saraakiisha reer galbeedku waxay eegayaan dawladda Shiinaha, oo ka mid ah xullufadda ugu saamaynta baddan Ruushka, si ay ugu soo celiyaan miiska wada xaajoodka, taas oo Moscow aannay meesha ka saarin.

Dhinaca kale, iyadoo dagaalka Ukraine weli sii sicdo, Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa dhawaan qaabilay hoggaamiyaha Belarusia Alexsandr Lukashenko. Intii uu ku guda jiray kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Putin, Lukashenko waxa uu ka gudbiyay hadal caqli gal ah oo ku saabsan rabitaanka Kooxda Wagner ee ah in ay tagaan Warsaw oo ah xarrunta Poland.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Wagner ay markaa kaddib u guurtay Belarus, oo u dhow xudduudda Ukraine kaddib markii ay ku guuldaraysatay inay ka hortagto Putin, waxaana soo baxaya warar sheegaya in kooxda Wagner qorshaynayso innay hawlgalo ka samayso xarrunta Poland ee Warsaw, halkaas oo ah xuddunta ay isku urrursadeen xullufadda NATO  ee qaybta ka ah dafaalka Ukraine.

Poland waxay aad uga werweray kooxda Wagner, taas oo walaac weyn ku haysa dhammaan Maraykanka iyo xullufadiisa iyo ciidamada NATO ee ku sugan Poland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com