By: Cumar M. Faarax

Dalka Kenya ayaa soo jiitay indhaha beesha caalamka oo dhan Jimcihii (1.9.2017) oo maxkmadooda sare soo saartay qaraar ay ku tirtirtay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee waddankaas ka qabsoontay 8-dii Ogost oo ay bayaamisay in doorashadaasi aan loo qaban hannaan waafaqsan sharciga doorashooyinka isla markaana madmow ku jiray.

Kenya waxay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ee natiijo doorasho oo xisbiga talada hayaa ku guulaystay laashey. Waxa sumcadii u weyn kasbaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mr. David Maraga iyo afartii garsoore ee go’aanka la saxeexay oo magacoodu qabsaday caalamka, waxaanay qaateen qaraar ugub ku ah qaarrada Afrika oo tusmaynaya in madax-bannaani buuxda laga filan karo garsoorka Afrika.

Waxay amar ku bixiyeen in muddo lixdan maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtooyo oo kale.

Isbahaysiga mucaaridka Kenya ee NASA oo uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayuu xukunkii maxkamaddu ku noqday qosol gariir, waxaannu ku macneeyey inuu guul u yahay iraaddada ummadda waddankiisa iyo qaarada Afrika oo dhan. Waxa laga damaashaaday degaannadii mucaaridku ku xooganaa oo isu-soo baxyo lagu ayidayo go’aanka maxkamaddu ka dhaceen. Raila Odinga oo 72 jir ah waxa loo arkaa inuu yahay madaalle aan jixin-jixin, maadaama oo uu markii afraad u cararay madaxtinimada dalka.

Guddida doorashooyinka(IEBC) ayaa bishii hore shaaciyey in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada oo mucaaridka ka horeeyey 1.4 milyan cod. Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa maalintii xukunkan ka nixiyey soo baxay ku dooday in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda isagoo aan ku qanacsanayn.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa ugu baaqay guddida doorashooyinku inay cayimaan maalinta la qabanayo doorashada cusub ee maxkamadu jidaysay, waxaanu tilmaamay in xisbigooda Jubilee diyaar u yahay. murrashaxa mucaaridka Raila Odinga, ayaa aaminsan in Komishanka la beddelo oo uu ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii.

Uhuru Kenyatta, wuxuu Sabtidii twitterkiisa ku baahiyey “Waxaynu mar kale galaynaa doorasho.” Isagoo dadweynaha kala hadlayay Telefishanka dawladda, wuxuu budhcad ku tilmaamay xukaamta maxkmadda sare oo uu nidar ku maray inuu hagaajin doono maxkamadda sare haddii dib loo doorto. iyadoo loo turjuntay inuu ku durayo Mr. David Maraga iyo garsooreyaashiisa.

Waxa kaloo madaxweynuhu ku garnaqsaday in xildhibaannadii baarlamaanka iyo badhasaabyadii gobollada doorashadoodii ku lammaaneyd tii madaxtooyada, balse aan wax muran ah laga keenin oo xildhibaannadii iyo guddoomiyeyaashii gobollada la dhaariyey. Waxase uu isa su’aalay “Sidee afar qof ay u burin karaan doorashadii madaxtooyada oo kaliya?.”

Ururka Garsooreyaasha Kenya, ayaa naqdiyey hanjabaadaha ka soo yeedhay Uhuru Kenyatta. Waxaanay dabaqada siyaasiyiinta dalkaas ku boorriyeen inaanay wax u dhimin masuuliyiinta bahda garoorka oo ay ku adkaysteen inay gudanayaan waajibkooda dastuuriga ah.

Ururka garsooreyaashu waxay ku ammaaneen maxkamadda sare inay ka soo baxeen waajibkoodii oo ay lafo-gureen caddaymihii ay u tixraaceen xukunkooda.

Maxay Somaliland ka baran kartaa:

Somaliland iyo dalalka Afrika oo dhan waxa ugu jira cibro siyaasadeed oo ay kaga dayan karto go’aanka filanwaaga ah ee maxkamadda sare ee Kenya oo yiddiilo geliyey ray’ulcaamka bulshada oo u muuqda inay iimaansadeen maxkamadaha dalkaas, maadaama oo aanay jirin dacwad ka xasaasisan kiiskan xukunka lagu sanduleeyey madaxweynaha iyo xisbal xaakimkaba.

Maxkamadda Sare ee Somaliland:

Somaliland oo bisha November ee sannadkan galaysa doorashadii saddexaad ee madaxweynaha, waxay tahay in waayo-aragnimo ka korodhsato dhacdadan,.

Waana maxkamadda sare ee Somaliland oo ah ta sharcigu siiyay inay shaaciso natiijada rasmiga ah ee doorashooyinka iyo ka garnaqoodaba,

Waa inay ku darsi ka qaataan oo haddii ay u suurtobayso ay booqasho ku tago Kenya sidii uu Guddoomiye Aadan ugu socdaalay bishii October sannadkii 2015kii oo uu la kulmay dhigiisa Kenya. Waxaa uu safarkan ku soo urursan lahaa habka maxkamadaasi u qaaday dacwadaha la xidhiidha doorashooyinka.

Maxkamada sare waxaa hal-xidhaale ku ah oo lagu qiimaynayaa siday ugu caddaalad samayso haddii dacwado ka dhashaan doorashada madaxtooyada ee ay ku hirdamaan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo aan qabo inay noqon doonto doorashadii ugu adkayd ee dalkan soo marta marka laga qiyaas qaato xamaasada tartameyaasha.

Waxaa waajib ah in maxkamaddu maanka ku hayso inay qaadan karaan go’aan qadhaadh oo caddaalad ku sallaysan haddii ay dhabacdo doorashadu. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo muddadii uu xilka hayey shacabku waxay ku diirsadeen dacwado uu qaaday oo lagu wada qancay.

Komishanka Doorashooyinka:

Komishanka doorashooyinka Somaliland (NEC), oo ah garsooraha kowaad ee u xilsaaran qabashada doorashooyinka, waxaa wadnaha farta lagu hayaa siday uga dabaalan doonaan doorashada xasaasiga ah ee lagu shirabayo Guddigan oo dad badani qawadsan yihiin kartidooda muddadii ay jireen. Waa inay ku tuntuunsadaan caddaaladda iyagoo oofinaya dhaartii ay mareen.

Waxaa habboon inaanay dambarsan sumcad xumada ku dhacday guddidii doorashooyinka Kenya (IEBC) oo ay dulhogganayso dheg-xumo ku lammaanaan doonta waligood oo ah mid maxkamadi ku caddaysay. Waxaanan leeyahay maahmaahdii ahayd “Nin ay ku hadhay ayay hawli haysaa.”

Saddexda Murrashax madaxweyne:

Saddexda murrashax madaxweyne ee ku loolami doona doorashada madaxtinimada Somaliland ee kala ah Eng. Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa diwaanka loo gelin doonaa siday u adeecaan sharciga dalka oo haddii ay gaadho in la isla galo maxkamadda sare, waxa ku waajibaya inay aqbalaan go’aamada ay soo saarto maadaama oo ay tahay marjaca kaliya ee loo noqon karo sharci ahaan.

Saddexda murrashax ha ku taamilo qaataan sunaha sameeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo laga guntay halku-dhigiisa ah “Go’aanka maxkamadda sare waan xushmaynayaa anigoo aan ku qanacsanayn.”

Waxa kaloo xisbiyadeenna curdinka ah iyo hoggaamiyeyaashooda ay tahay inay laasimaan inay xeerka doorashada u raacaan dacwadaha ku wajahan natiijooyinka doorashooyinka xilliga ay tirsadaan caddaalad darro.

Cumar Maxamed Faarax

Cumarmfaarax@hotmail.com