Dhaqaalaha Yurub, Maraykanka Iyo Ruushka Midkee Kordhay Xilliga Dagaalka Ukraine?

Araweelo News Network

Ruushka, ayaa dalbanaya in 4 Gobol oo ku kala yaalla braiga iyo Galbeedka Yukrayn laga qaado dadkooda afti. Afartaa Gobol ayaa kala ah Donestk, Lohanzk, khereson, iyo zabrorschiya.

Laxidhiidha: Jarmalka Oo Fulin Waayay Hubka Cusub Ee U Balanqaaday Ukraine

Dadka Gobolladaa deggen ma u codeeyn doonaan inay Ruushka ku biiraan ? Aqlabiyadda laga filayo Gobolladaa dadka deggen ayaa ah ” Haa” sidaa awgeed Ruushka ayaa ku dadaalaya in dadkaa laga qaado afti si ay mustaqbalka uugu biiraan dal weeynaha Ruushka.

4taa Gobol dadkaasi deggen yihiin waxaa hubaal ah inay dooran doonaan inay ku biiraan dal weeynaha Ruushka xittaa haddii laga been abuurto codadkooda sida ay reer galbeedku ku dadaalayaan.

Jawaabta ayaa ah ” haa” dadkaasi si sax ah ayeey uugu biirayaan dal weeynaha Ruushka ,waayo dadkaasi asal ahaan waxay ka soo Jeedaan Ruushka waxyna ku hadlaan luqadda Ruushka. Ruushka ayaa Gobolladaa ka leh istraatjiyad weeyn sidaa awgeed waa in dadkaa lagu soo daraa Dalka Ruushka si u dareemaan inay wax walba la wadaagaan dalka Ruushka iyo si dowladda Ruushku si buuxda uugu ilaali dadkaa Gobolladooda.

Sidoo kale Dalka Maldova, iyo iyo JAZIIRADDA Baldiiq dadka Ruushka ah ee deggen ayaa Tiro ahaan lagu qiyaasay 8 milyan waxayn yihiin aqlabiyad 60% lagu Qiyaasay in kastoo dowladda Ruushku ku si been abuurasho ah u sheegato in dadka Ruushka ah ee deggen jaziiradahaa ay yihiin 80%.

RUUSHKA OO GOBOLLADAA QABSADA MAXAY KA DHIGANTAHAY ?

Waxaa mar walba la filan karaa weerar ay ciidamada Yukrayn ku soo qaadaan Gobolladaa, sidoo kale Ruushka ayaa la qiyaasayaa inuu weerara ballaadhan uuga jawaabo , gaar ahaan in Ruushku ku weerarada sawaariikhda sida ba’an wax u burburisa. Ruushka ayaa si arxan daran u weerari doona magaalooyinka Yukrayn si ay jilbaha dhulka uugu dhigaan. Vladimir Putin ma jixinjixaha Ruushka Hoggaamiya ayaa diyaar u ah inuu dagaalkan sii wado.

markaan taariikhda dib u eegno Ruushka ayaa dhibaatooyin waaweeyn oo culculus kala kulmay Dagaalo badan oo uu galay. Balse ciidan Ruushka iyo Guud ahaan dadweeynaha Ruushka ayaa u leh adkaysi ay ku xammilaan dhibaatooyinka ka soo gaadhaya Dagaalka.

Sidaa awgeed haddii ay reer galbeedku yihiin kuwo rajaynaya inay VLADAMIR PUTIN si fudud uuga adkaadaan waa ay Iska riyoonayaan.

Ruushka ayaa ka faa’iiday Dagaalka Yukrayn. Waxaa kordhay dakhligii ka soo geliyey batroolka iyo Gas-ta dabiiciga ah , wuxuuna kordhay Qiyaas ahaan 5 bilyan oo dollar bil kasta. Sidoo kale Ruushka ayaa soo saara Hubka sidoo kale hubka ayuu iib geeya Ruushku.

Ruushka ayaa khalkhal DHAQAALE ku abuuray Waddamda Yurubta galbeed, gaar bishii Nofeember markii qaboow daran uu ka jiray qaarada Yurub ee la waayey Gas-tii dabiiciga Ahayd ee qaarada Yurub laga isticmaali jiray.

Dagaalka ayaa laga dareemay dalka Ruushka markii uugu horreysay balse xaqiiqda markaan ka hadalno waxaa ka khasaare badan Ruushka Quwadaha reer Galbeedka, ee uugu horreeyo maraykanku waxaana ku sii xigta midowga reer Yurub.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah