Gabay: Dhifalloobman Kuuguma Hirgalo Dhaanto iyo Boobe

Marka uu dhaqaaluhu kobcaa qaranku dhaataaye

Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil

Waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil oo uu fariin iyo dardaaran ugu jeedinayo qaybaha kala duwan ee bulshada, sida madaxda siyaasiyiinta ah, ganacsatada, madax-dhaqameedka, saxaafadda iyo dadweynaha, waxaannu gabaygan ku bilaabay sidan;

Taladii wanaag lagu dhisaad guul ku dhalisaa

Dhulka aynu leennahayna waa Dheeho noo dihine

Baddaa dhereran maal baa dhexyaal Dheemman iyo Luule

Dhugmo lagu hantiyo bay rabtaa xoog ka soo dhura’e

Weliba waxaa inoo dheer adduun kaynu dhaqanaaye

Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran

 Aan shaqada loo dhego-nuglaan waa dhitinaynaaye

Ku dhaqaaqa tacabbaa arlada la isku dhaafaaye.

  • Dhudhunkaaga aad maasho baad dhereg ku gaadhaaye

Waxa Hay’adahu dhiibayaan malaha dhawraale

Dhugmo welefta iimaan dham’a iyo garisho kaa dhoofta

Iyo dhaqanka oo kaa lumay dhiirigelisaaye

Hadbana si aad hog ugu sii dhacday kuugu dhigayaane

Waar waa laysku dhaandhaamayaa ha u dhegtaagina’e.

  • Dhifalloobman kuuguma hirgalo dhaanto iyo boobe

Marka uu dhaqaaluhu kobcaa qaranku dhaataaye

Dalbana siduu u dhawrtaa hantidu ugu dhitawdaaye

Dhibiq-dhibiq u gee buu ku yimi dhiilka buuxsamaye

Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran

Aan shaqada loo dhega-nuglaan waa dhitinaynaaye

Ku dhaqaaqa tacabbaa arligga la isku dhaafaaye

  • Inta qaranka loo dhaariyee talada loo dhiibay

Ammaanada haddii aanay dhugan saaran dhabarkooda

Oo aanay dhawrayn dantii looga dhigay raaci

Ifka waa u dhib aakhirona waa u dhammacdii naareede

Iyaguna dhunkaashay hayaan ha iska dhawreen

  • Inta miidhiyaha dhaadhidee xummaha soo dheegta

Ee dhurra dharaariyo habeen dhiiladiyo cayda

Waxa ayku dheel-dheelayaan waa dhimbiil dab’ahe

Qofbana waxa uu dhigtaabaa u yaal dhiisha aakhiro’e

Iyaguna suntay dhidhinnayaan ha iska dhaafeen’e

  • Haddii geel ka dhaadhacay habeen dhaafo xeradiisa

Dhurwaaga iyo libaax laaya iyo dhawrta waa u halise

Dhabarka iyo hiddihii wuxuu ka jabay dhuuxa bawdada’e

Isku dhidhinta qaar loo boqriyo qaar iskaba dhaashtay

Xilkii dhaqanka waxaa soo huwaday dar aan is-dhawrayne

Way dhalanrogeen haybaddii dheemmanta ahayde

Haddii aan shuruuc lagu dhaqoo dhawrta loo curinin

Sharafka iyo dhegtii aad lahayd waa qaldhebayaane

Dhurwaayada ka rida tallo hadday kuugu dhawdahaye

  • Ganacsiga intaa dheefsatee dhoofsha ama keenta

Dhibaatooyin badan baa jiroo lagu dhalliilaaye

Sicirka oo bulshada lagu dhejoo dhibaya kii liita

Dhulka hooyo oo aanay gelin maal wax laga dheefo

Iyo qaar allaabada dhacday ee dhimmatay soo waarya

Iyo dar aan sekona dhiirigelin deeqna kaba dhaartay

Iyo qaar xadkaba dhaafay oo dhimaya miisaanka

Dhibaatooyikaasaa jiriyo qaar kaloo dhimane

Maalkii xalaal laga dhaqdaad dhaxalka reebtaaye

Dhadhan malaha xaaraan maqdaca waxaad ka dheeftaaye

Iska dhawra xaqa aadamaha aakhiraa dhimane

  • Dhuun-qabad dhirtoo taagan buu dhuuxa ma dhiyaaye

Afku-dhiigle dhaayaha ilmada been ka dhibiqsiiya

Dhagar qabbe xummaan dhaadhiyoo haybta ugu dhuunta

Waa waxa bulshada dhabar jebshaye dhigay halkay taale

Dhar siyaasi qaar soo xidhiyo dhaqan mid soo duubtay

Ninba halkuu dhufays mooday buu beerka soo dhigaye

Xilna ma dhibo’e yoolkoodu badi waa dhadhamo raace

Mana kala leh dheeriyo dhowena gooh-dhegaystuhuye

Ummadyahay intaad dhama’sannayd haadku kaa dheregye

Wixii kale dhammayste’e naftaa loo dhugtamayaaye

Dhegaha iyo araggiina fura oo dhugmo u yeesha

Iskana dhiciya dhuuryooyinkaa dhiigga yu’annaaya

Waxba hadalku yuu illa dhamcine haatan aan dhigo’e

Islaam dhab ah walaalo isdhaqdiyo gacal isdhawraaya

Ay dhaxal caddaaladi u tahay dhaqana diinteenu

Oo khayrka wadda dheefsadaan cinniq isdheeraysan

Oo dhinnac u wadajeeda aan kala dhegtaagaynin

Rabboow naga dhig duul wada dhashoo dhudiyo laanteed ah

Waxa tiriyey Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil, Hargeysa, Somaliland