Araweelo News Network

Mataano isku yaal

Hargeysa (ANN)- Aabbo Mukhtaar Xuseen Maxamed oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee reer Somaliland, ayaa ka xog-waramay carruur mataano isku dhegan ah oo ugu dhashay cusbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa 10 August 2016 oo hadda laga joogo sagaal bilood.
Mukhtaar Xuseen Maxamed oo ah aabbaha dhalay labada carruurta ee jidhkoodu isku dhegan yahay, waxa uu sheegay inuu u baahan yahay gurmad iyo taageero dhaqaale oo wax lagaga qabto xaaladda caafimaad ee carruurtiisa mataanaha oo hadda ku jira custibaalka gaarka ah ee Edna Aadan ee caasimadda Hargeysa.
“Labada carruurta ah jidka inta kale waa iskaga mid ah, laakiin madaxa ayey ku kala duwan yihiin, iyadoo ay mataanahan isku dhegan wadaagaan labada lugood, gacmaha iyo xubnaha kale ee jidhka, balse waxay leeyihiin laba madax oo kala duwan, waana qadar Ilaahay inay sidaas ku dhashaan,” ayuu yidhi Aabo Mukhtaar Xuseen Maxamed.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa ay u baahan yihiin ogsojiin mar walba ku xidhan oo aanay hal daqiiqo waayi karin, iyadoo aan u mahadnaqayo Ilaahay (SWT), marka labaadna Drs Edna Aadan oo wax badan iga caawisay, waxaanan ka codsanayaa bulshada reer Somaliland, dawladda, ganacsadata iyo hay’adaha samo-falka ah in la iga caawiyo sidii carruurtaas yaryar loo daryeeli lahaa, caafimaadkoodana loola tacaali lahaa, maadaama aan ahayn aabbo danyar ah oo bilaa camal ah, in kastoo wixii Ilaahay keenay ay tahay in aan ku samro, kuna samrayo, haddana carruurta yaryar ee nool, xaaladooduna aanay fiicnayn ayaa igu qasbaysa in aan taageero weydiisto bulshada walaalahay ah iyo dawladdaba, waxaana la igala soo xidhiidhi karaa 0633615985 oo lambarka telefoonkayga amma ka hooyadood oo ah 0634183063,” ayuu yidhi Aabaha dhalay labada carruurta ah ee isku dhegan.