Araweelo News Network

Cilmi-baadhis cusub oo ay samaysay Jaamacadda Souther California ee dalka Maraykanka, ayaa iftiimisay in soonku ka hortago in qofku si degdeg ah u gaboobo, cudurrada kansarka, wadno-xannuunka, isla markaana kor u qaado hab-dhiska difaaca ee jidhka qofka bani’aadamka ah.
Khubarada cilmi-baadhistan samaysay waxay sheegeen in soonku faa’iido badan u leeyahay dadka, hoosna uga dhigo waxyaabo badan oo jidhka ku sababi lahaa xannuuno, kadib markii ay baadhitaan ku sameeyeen dad ay tijaabo ka qaadeen oo muddo 5 maalmood ah bishiiba ka soomay.
Dadka tijaabada laga qaaday waxay muddo 4 sanno ah bishiiba ka soomayeen shan maalmood si hoos looga dhigo khatarta wadno xannuunka iyo kansarka, korna loogu qaado hab-dhiska difaaca cudurrada ee jidhkooda, waxaana lagu guulaystay tijaabadaas.
Prof. Velter Longon oo ka mid ah saynisyahannada ololahan qaatay lagu dhiirigelinayo soonka, waxaannu sheegay in soonku faa’iido badan u leeyahay dadka, inkastoo soonka waajibka ah ee Muslimiinta sheegay in ay dadka ku adag tahay, haddana waxa uu iftiimiyey in cuntada oo laga soomo ay faa’iido u leedahay qofka.
Daraasadan cusub waxa ay bedka soo dhigtay in xaataa soonku u fiican yahay maskaxda in ay farriimaha si fiican u gudbiso, qofkan xusuusta iyo waxbarashada ku fiicnaado, waxaana lagu tijaabiyey 19 qof oo bishii shan maalmood ka soomayey muddo saddex sanno ah, iyadoo ay dhammaan faa’iidooyinka khubaradu xuseen lagu ogaaday, balse diinteena suuban ee islaamka ayaa arrintaas hore inoogu sheegtay.