Madrid City/ Paris(ANN)- Daraasado cusub oo laga kala sameeyay dalalka Faransiiska iyo Spain, ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka ama gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan ee Kaluunku kowga ka yahay muddo tobban sanno ah, ay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%.

Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xidhiidhiyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka amma Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, isla markaana Somaamlidu ka mid tahay haatan dadka aad u isticmaala cuntooyinkaa, waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta.

Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil, ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah
Haweeney khudaar ku iibineyso suuq ku yaalla qaaradda Aasiya

Cuntooyinkan, ayaa ah kuwo aan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirta nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Midhaha, Digirta, Galayda, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha.

Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la burburiyo, balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay
Cuntooyinka qaar ayaa halis ku ah caafimaadka

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Milixda iyo Sonkorta.

Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato, balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay
Kalluun

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay, waxay ka koobmaan waxyaabo l aisku daray oo ka badan labo waxyaabood.

Waxaana kamid ah Hilibka Qasadceysan, sida Kaluunka Roodhida, Khamriga oo isaga Diinta Islaamku xaarantimaysay iyo cuntooyinka duuban.

Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aanay dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Cuntooyinka fud fud
Cuntooyinka fud fud

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah, amma qalajinaya cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.
  • Roodhida lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka qasacadaysan iyo kuwa duuban.
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka qasacadaysan iyo Kaluunka
  • Baradhada Shiilan
  • Sharaabka qasaaca ku jira, Caagadaha iyo Waraaqaha kartoonka ah.
  • Cuntooyinka shiilan ee Milixdu ku badan tahay
  • Digirta ku jirta weelka qasacadaysan
.

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, daqiiqda haddii lagu daro biyo, Milix iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro , balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo daqiiqda , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu daro waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

Presentational grey line

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

Rooti
  1. Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan shay, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qaboProfessor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  2. Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si aanu u xumaan. Badankooduna waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  3. Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusey qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (casaan) oo muujinaya badnaansho, (Casaan xigeen) dhexdhexaad iyo (midab Doogo ) oo muujinaya inyar.
  4. Haddii aad aragto cuntada qasacadaha ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  5. Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
.
Image caption .

Source: BBC. somali