Araweelo News Network

Daraasad ay samaysay Hay’adda Luqadaha Adduunka (World Linguistic Agency), ayaa dalka Uganda u aqoonsaday inuu yahay waddanka qaaradda Afrika ugu wanaagsan ku hadalka luqadda Ingiriisiga, kadib markii arrintan lagu sameeyey daraasad qoto-dheer oo lagu qiimeeyey sida dadka Afrikaanku ugu hadlaan Ingiriisiga.
Dalalka kale ee ku xiga Uganda waxa ka mid ah Koonfur Afrika, Nigeria, Kenya iyo Namibia. Inta badan dadka reer Nayjeeriya waxay ku hadlaan kelmado aad u qurux badan, balse aan naxwaha lagu dhisin oo suuqdi ah.
Haddaba, 11-ka dal ee ugu wanaagsan qaaradda Afrika ku hadalka luqadda Ingiriisiga, waxay kala yihiin;
1. Uganda
2. Koonfur Afrika
3. Najeeriya
4. Kenya
5. Sambiya
6. Botswana
7. Simbabwi
8. Malawi
9. Ghana
10. Rwanda
11. Sudan.