maxamedabdiUgu horayn Horumar iyo Farxad ayay inoo tahay in aynu Maalgalin caalami ah u helno dakaddeheena,iyo dhamaan khayraadkeena oo idil, Dekedda Berbera waxa ay ka mid tahay meelah Muhiimka ah ee aynu in muddo ah u raadinaynay in aynu u helno Maalgashi Caalami ah oo u qalma. In muddo ah waxa jirtay tartan adag oo xaga maalgashiga Dekedda Berbera waxa uu u dhexeeyay labada shirkadood ee Dubai wold oo Imaaraadka (Emirates) laga leeyahay iyo Bollore oo dalka Fransiiska (France) laga leeyahay, labadan shirkadood ayaa labadduba ka shaqeeya maalgalinta Dekeddaha iyo Shaqooyin kaleba. Labada dawladeed ee laga leeyahay labadan shirkadood waxay awood xoogan galiyeen inay shirkadoodu ku guulaysato Maaligalinta Dekadda Berbera. Bishii Koowaad (January) 2014-kii waxay Dawladda Fransiisku u soo dirtay madaxwayne Siilaanyo martiqaad rasmi ah inuu ku yimaaddo waddanka Fransiiska, markii ay waftiga madaxwayne Siilaanyo ay ka dageen magaalada Paris waxa loo soo dhaweeyay si wanaagsan oo ay ka muuqato inay dawlada Fransiisku Si Wayn u danaynayso ku wareejinta dakedda Berbera, marar badan oo danbena waxa magaalada Hargeysa kusoo Noqnoqday dibloomaasiyiin Fransiis ah si ay u xoojiyaan ollolaha ay ugu jiraan in ay gacanta ku dhigaan Dekedda Berbera. Sidoo kale Shirkadda Dubai Wold iyo Dawladda Imaaraadka ayaa iyana dhankooga dadaal xooggan ugu jiray la wareegida dakadda, Tiroba dhawr goor ay Martiqaad rasmi ah u soo direen Madaxwayne Siilaanyo iyagoo si wayna usoo dhaweeyay waftiga Madaxwaynaha una soo bandhigay rabitaankooda. Haddaynu u soo Noqono waydiinta Maqaalkeena ee ah BOLLORE IYO DUBAI WOLD KEEBAA DAN U AH SOMALILAND?. Sida ay aniga iila muuqato Somaliland waxay dani ugu jirtay Bollore Sababahan awgood.

1)Shirkada Bollore waa shirkad laga leeyay waddanka Fransiiska oo ah waddan Super Power ah,hadii uu xidhiidh dhaqaale ina dhex maro waxuu wax badan ka tari karaa xidhiidhka aynu la leenahay Yurub iyo ololaha citiraaf raadineed ee aynu ku jirno.

2)Dalka Fransiiska ee laga leeyay shirkadan wuxuu ka mid yahay Midawga yurub (European Union) oo ah kuwa Maalgalinaya Mashruuca Berbera Corridor.

3)Dalka Ethiopia oo ah Macmiilka ugu wayn ee la rajaynayo inuu Dekedda isticmaasho waxay Kalsooni Buuxda u muujisay Shirkada Bollore,iyadoo shaki ka qabta Xidhiidhka Carabnimo ee ka dhexeeya Masar iyo Imaaraadka.

4)Dubai Wold waa Shirkada gacanta ku haysa Dekedda Jabuuti, Suurta galna maaha inuu Tartan dhex maro Dekedaha Jibouti iyo Berbera.

5) Diplomacy ahaan way kala Qiimo badanyihiin inaynu xidhiidh la yeelano Imaaraadka iyo inaynu xidhiidh la yeelano Fransiiska.

Hadaba Su’aasha is waydiinta Mudan ee ay tahay in ay Xukuumadeenu inaga Qanciso waxay tahay Sababta ay Bollore uga door bideen Dubai Wold, sida ku cad qodobadaas shanta ah ee aynu xaga sare ku soo sheegnay waxa muuqata in qaran ahaan inoo Faa’ido badantay Bollore dhan Siyaasadeed iyo dhan dhaqaaleba ee waa in Xukuumadeenu inaga qancisaa sababta aynu u kala dooranay Imaaraadka (Emirates) iyo Fransiiska, Sababta aynu u kala dooranay Midawga Yurub (European Union) iyo Jaamacadda carabta (Arab League). Hadaynu nahay Shicibka reer Somaliland waxay aynu xukuumadeena uga fadhinaa inay inooga jawaabto Su’aalahan Si aynu ugu qanacno ama ugu diidno.

Mohammed Abdi/Hargeisa