Araweelo News Network
toontacusubRoma(ANN)Laba nin oo u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa ku guulaystay inay beeraan toon aan lahayn urta kulul ee dadku karaahiyeystaan haddii qof cunay ay ka soo baxdo, ururtaas oo sidoo kale ay muhiim tahay in qofku ka ilaaliyo bulshada uu la nool yahay si aanay u dhibsan.
Labada nin oo kala ah injineer dhismaha ku takhasusay iyo qareen shuruucda ganacsiga aad u yaqaan, magacyadooduna kala yihiin; Alessandro Guagni iyo Lorenzo Bianchi, ayaa ku guulaystay inay beeraan toon aan lahayn urta kulul ee afka ku reebta qadhmuunka, iyagoo u bixiyey amma ku naanaysay “Toonta dhunkashada,” kuwaasoo xusay inay rajaynayaan in dad ku nool Talyaanigu jeclaan doonaan isticmaalka toontan cusub.
“Waxa aan u malaynaynay in ay tusaale noqonayso oo Talyaanigu ku dayanayo. Dhadhankeedu aad buu u fiican yahay, waa mid aad u fudud, waxaanannu ka fikirnay sidii suuqyada loo geyn lahaa,” ayuu yidhi Guagni oo waraysi siiyey wargeyska The Guardian oo Jamhuuriya soo xigtay.
Toonta waxa aad loogu darsadaa cuntada, balse dalka Talyaaniga ma aha mid laga jecel yahay, waxaanay dad badan neceb yihiin cuntada ay uga dhadhanto, iyagoo ka baqa in urtoodu qadhmuun isu beddesho.
Hase yeeshee, laba nin oo khudradda beerta waqtiyada fasaxa, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin toonta ka baxday beertooda oo ay sheegeen in lagu iibin doono suuqyada dalka Talyaaniga.