Araweelo News Network

Recep Tayyip ErdoganAnkara(ANN)Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in kala korinta ubadku amma dawooyinka dhalmada fogeeya aanay ku habboonayn qoysaska islaamka, waxaannu muslimiinta ku dhiirrigeliyey in ay ubadka badiyaan, kana digtoonaadaan inay iska mudaan dhasha.
Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in ay tahay masuuliyadda hooyada inay hubiso in bulshada Turkigu korto amma badato, taasoo sannadihii u dambeeyey ay ku korodhay 1.3% korodh ah.
“Waxa aan si cad u leeyahay…waxaan u baahannahay in aan korno tirada nasabkeenna. Dadku waxay ka hadlaan kala korinta amma xakamaynta dhalmada si ubadku u kala hor karaan (Family planning), qoys Muslim ah ma fahmayo, mana aqbalayo taas. Ilaahay iyo Nebigu (NNKHA) waxay ina amreen in aynu darriiqa ku socon doono, arrintana waxa loo ixtiraamayaa oo ay tahay waajibaadka koowaad ee hooyooyinka,” ayuu yidhi Erdogan oo khudbad ka jeediyey Istanbul.
Erdogan iyo xaaskiisa Emine waxa ay leeyihiin laba wiil iyo laba hablood, horraantii bishanna waxa uu Madaxweynuhu ka qaybgalay xaflad heer sare ah oo inantiisa Sumeyye loo dhigay, halka inantiisa weyn oo la yidhaa Esra uu dhawaan guursan doono Berat Albayrak oo la filayo inuu dhawaan noqdo Wasiirka Tamarta Turkiga.
Inta badan hoggaamiyahani waxa uu ka cadhaysiiyaa haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka (Feminists) oo ku dooda in kala korinta ubadku muhiim u tahay bulshada, gaar ahaan qoyska, balse waxa madaxweynaha Turkigu deedafayntiisa arrintaas u daliishadaa waxyaabo diinta islaamku oggoshahay, isagoo ka horyimaad wax kasta oo dalalka reer galbeedku wataan uu u arko in aannu waafaqsanayn shareecada.
Erdogan oo hadal ka jeediyey maalinta haweenka ee sannadkan waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in haweenku ka sarreeyaan cid kasta, halka sannadkii 2014-kii uu kala korinta ku tilmaamay inay tahay khiyaamo qaran, taasoo khatar gelinaysa bulshada iyo jiilasha soo kobcaaya ee bulsho yeelanayso.
Marka la eego xogta rasmiga ah ee Xafiiska Xog-kaydinta Turkiga, waxa lagu sheegay in bulshada Turkiga ku dhaqan ay tahay 78.741 milyan sannadkii hore, halka sannadkii 2000 bulshadu ka yarayd 68 Milyan, taasoo muujinaya in korodh aad u badan ku yimmi dadweynaha Turkiga.