Araweelo News Network

Shanghai(ANN))- Koox khuburo ah, ayaa soo saaray qalab casriya oo si fudud loogu kala ogaan karo caanaha daasadaha carruurta yaryar loogu talogalay ee been-abuurka iyo kuwa saxda ah.
“Waxaan aad uga cabsi qabaa waxyaabaha carruurta ee la been abuuray.” Sidaa waxa tidhi Zeng oo ka werwersan xaaladda caafimaad ee gabadheeda yar oo 11 jir ah.
Waxay ka walaacsan tahay dhibaatada caafimaad ay gabadheeda wajihi karto ee ka dhalan kara caanaha la been abuuray ee aan ahayn kuwa saxda ah.
Welwelkeeda wuxuu muujinayaa fadeexadda ballaadhan ee aadanaha dhankiisa ka timaad ee caalamka oo dhan hadda ka jirta, waxana la arkay alaabooyin been abuur ah oo laga faa’iiday malaayiin dollar, suuq fiicanna yeeshay.
Haddii dharka been-abuurka ah ay saameeyaan lebbiska oo keli ah, dawada la been abuuray waxay qofka u geysan kartaa dhibaato weyn.
Balse qalabka tiknolojiyadda casriga ah ee khubaradu soo saareen, ayaa la sheegay in lagaga badbaadi karo. Qalabkan oo loogu magac-daray Blockchain, waxa loogu talogalay in lagu xaqiijiyo saxnimada cuntada carruurta, dawada iyo yareynta ka ganacsiga dheemanka cas.
Qalabka wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa in kalluunka la dhoofiyo uu ahaado mid aan hallaabin.
Zeng iyo seygeeda Shi waxay deggan yihiin magaalada Jiaxing, halkaas oo ay ku nool yihiin 1.2 milyan oo qof. Magaaladaasi kama foga Shanghai. Iyaga iyo waalidiinta kale ee cusub waxay ka baqayaan caanaha warshadeysan ee carruurta, kadib markii sannadihii la soo dhaafay la arkay kuwo wasaqeysan.
Waxa lagu daraa walax ka sameysan Melamine si tijaabada dawladda ee dhanka nafaqada ay u noqoto mid sax ah, balse maadadaasi waxay sababtaa in dhagxaan kelyaha galaan ama inay shaqada oo dhan gabaan.
Sannadkii 2008, qiyaastii 300,000 carruur ah ayaa xannuunsaday kadib markii ay cabbeen caano lagu daray Melamine, waxana markaas kadib bilowday cabsi ballaadhan.
“Si buuxda uma aamini karo bakhaarrada, suuqyada waaweyn ama xataa internet-ka. Waan ogahay mararka qaar in dadka ay wax kasta u sameynayaan lacag darteed,” ayey tidhi Zeng.
Hase ahaatee, waxay ogaatay in Blockchain loo adeegsan karo in lagu ogaado sax ahaanshaha caanaha iyo cuntada carruurta, iyadoo adeegsaneysa telefoonkeeda oo lagu xidhay qalab yar oo xaqiijinaya waxa alaabtu tahay iyo meesha lagu farsameeyey.
Xadhig yar ayaa lagu xidhayaa daasadda caanaha carruurta, sida uu sheegay Alexander Busarov oo ah madaxa fulinta shirkadda qalabkan cusub sameysay.
Qalabkani wuxuu u shaqeynayaa sida anteenno si uu ugu xidhmo wax yar oo lagu dhejiyo telefoonka nooca casriga ah. Waxa uu lambar cusub u sameynayaa alaabta lagu eegayo, xaqiijintuna waxay qaadaneysaa illaa laba ilbidhiqsi oo keliya, sida uu sheegay Mr. Busarov. Kadib waxaad heleysaa natiijada oo faafaahsan, sawir iyo meesha alaabta lagu sameeyey.
Blockchain waa qaab wanaagsan oo lagu ogaado xataa dawada, sida ay tilmaamtay Suzanne Somerville oo ka tirsan mashruuca MediLedger oo arrimaha shaybaadhada ka shaqeeya.
Qalabka Blockchain waxa hadda isticmaala illaa toban shirkadood oo sameeya dawada oo ku yaal Mareykanka. Sidoo kale, laba dukaan oo iibiya 50% dawada Mareykanka ayaa sameystay qalabkan.
Waxa kaloo Blockchain loo adeegsadaa ka-hortagga kooxaha hubeysan ee Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika, kuwaas oo dagaalka ku saleysan dheemanka sanadkastaa ka faa’ida $3m illaa $6m oo dollar, sida ay sheegtay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC.
Qarammada Midoobey ayaa sameysay sannadkii 2003 hannaan 81 dal oo caalamka ah kaga hortagi karaan dheemanka cas ee dhaqaalaha ay ka helaan kooxaha hubaysan.
Sidoo kale, waxa la sameeyey mushruuc ku kacaya $80 bilyan dollar oo lagu ansixiyo dheemanka, si looga hortago midka aan saxda ahayn ee suuqyada soo gala. Laakiin waxa la ogaaday in laaluush lagu heli karo warqadaha caddaymaha ah.