HIV.AIDSHargeysa(ANN) Saddex Jibaar ayay kor u kacday Tirada dhalinyaradda da’ yarta ah ee u dhimatay xannuunka HIV/AIDS, taas qiyaasta warbixintu sheegay ka dhigtay inay saddex jibaarantay 15 sannadood ee u dambeeyey. sidaana waxa lagu iftiimiyey daraasad UNICEF soo saartay.

Carruurta iyo ubadka xannuunkan u dhintay waxa ay qaadeen markii ay aadka u yaraayeen amma ay dhasheenba sida UNICEF xaqiijisay.
Sidoo kale, waxa daraasadan lagu sheegay in cudurka AIDS uu yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee sabaa dhimashada ubadka da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 19 jirka ee Afrika ku dhaqan, halka adduunkana uu ka yahay cudurka labaad ee sababa dhimashada da’ yarta adduunka sida ay hay’adda Carruurt u Qaabilan Qaramada Midoobay xaqiijisay.
“Bulshada uu ku dhacay HIV, gaar ahaan da’ yartu waa kooxda kaliya ee aan dhimashadoodu hoos –u-dhac ku imaan. Ubadka inta badan u dhintay AIDS waxa ay u badan yihiin qaar uu HIV haleelay markii ay dhasheen amma uurka ku jireen,” ayaa lagu yidhi warbixinta cilmi-baadhistan ugu dambaysay ee laga soo saaray AIDS-ka.
Dadka da’ yarta ah ee xannuunkan saameeyey amma la nool cudurka HIV kala badh ka mid ah waxa ay ku nool yihiin lix dal oo kaliya, kuwaasoo kala ah Koonfurta Afrika, Nijeeriya, Kenya, Hindiya, Mosanbiig (Mozambique) iyo Tansaaniya.
“Waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya oo ah meelaha uu ugu badan yahay, waxa inta badan fayraskan haleela hablaha, iyadoo xisaab ahaan lagu ogaaday in 10 hablo ahba toddoba ka mid ah uu haleelo cudurkan, gaar ahaan da’da 15 ilaa 19 jirka,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka hay’addu soo saartay oo Maankaab soo xigtay.
Xogta laga helay dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya (Sub-Saharan Afrika) waxa ay iftiimisay in 11% ka mid ah ubadka 15 ilaa 19 jirka ah laga baadhay HIV.
Craig McClure oo ah Madaxa UNICEF u qaablsan HIV/AIDS-ka, ayaa sheegay in ay aad u adag tahay in ubadka HIV haleelo ay helaan daawo, daryeel iyo taageero.
Waxa daraasadu iftiimisay in mid ka mid ah saddexdii qof ee ka mid ah 2.6 milyan ee ubad ah oo da’doodu u dhaxayso 15 jir ee la nool HIV uu daawo helo.
Laga soo bilaabo ilaa 2000 ku dhawaad 1.3milyan ubad ah ayaa uu haleelay cudurkan, taasoo ay sababtay in aan awood loo helin in hooyada HIV qabta laga ilaaliyo in ay ilmaheeda u gudbiso.
Sidoo kale, sannadkii 2014ka shantii hooyo ee uur leh ee la nool HIV saddex ka mid ay ayaa helay daawada cudurkan ee lagaga hortago inuu ilmaha uurka ku jira u gudbo.
Xigasho: Maankaab.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380