“Hadal Oo Hel Maalin Kasta Hal Milyan”Halku Dhega Barnaamijka Abaalmarinta SOMTEL

MunaasibadaabaalmarintaSomatel
Hargeysa(ANN)Shirkadda Somtel ayaa Xalay Xaflad aan nooceeda hore loo arag kusoo bandhigtay Badhtamaha Suuqa Wayn ee Faras Magaalaha Hargeysa, iyadoo abaalmarintaa lasoo dhigay barxada lagu soo bandhigay ee Wajahada hore Ee Dahabshiil Bank.
Xafladdan oo lagu furaayay barnaamij Abaalmarineed Oo la Magac baxay “Hadal Oo hel” Hal Milyan Maalin kasta iyo Baabuur casri ah Hadaba Ugu horayn waxa barnaamijkan Abaalmarinta ah faahfaahin aad u qoto dheer Ka bixiyay Madaxa suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Abdirahman Abdillahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay
“ Ugu horayn waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Macaamiisha kala duwan Ee Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group sida wanaagsan ee aad uga soo qaybgasheen xafladdan aadka u balaadhan Ee shirkadda SOMTEL ay idiinku soo bandhigayso Abaalmarinaha kala duwan Ee ay ka mid yihiin 30 Milyan Oo Shilling, Afar baabuur oo nooca raaxada ah iyo Hadyado kala duwan sida 4G, MIFI Qiimo ahaan waa Abaalmarin ka badan $40,000 ( Afartan kun oo dollar), Barnaamijkani waxa uu socondoonaa Muddo 30 Cisho ah.
Maalinkastana waxa lagu guulaysandoonaa Hal Milyan Oo shilling sida oo kale maalinkasta shirkaddu waxa ay bixindoontaa Hadyado kala duwan, maalinta u dambaysa 30-ka maalmood ee ay socoto, waxa lagu guulaysandoonaa Abaalmarinta ugu wayn oo ah Afar gaadhi oo ah nooca raaxada waxaana ku guulaysandoona Afarta Qof ee nasiibkoodu siiyo.
hadaba Macaamiisha waxa looga baahanyay.
1. In Macmiilku kaadhkiisa Somtel uu ku shubto ugu yaraan lacag dhan $0.25 Cents
2. Macmiilka waxa kale oo laga rabaa in uu Isticmaalo Adeegga Casriga ah Ee E.Dahab hadii aanu lahayna waa inuu Goobta ugu dhaw iska diwaangaliyaa, Macmiilka Guulaysta Maalintii waxa soo wicidoonta Shirkadda somtel oo kasoo garaacidoonta lambaro Gaar ah Oo aan ahayn kuwa macaamiisha , hadaba macmiil telefoonkaagu ha furnaado Wakhti kasta oo laguu baahdo, Barnaamijkan waxa aad kala socon kartaa oo aad ka daawan kartaa Habeen kasta SLNTV, waxa kale oo aanu Ogeysiinaynaa Dhammaanba Shaqaale waynaha Dahabshiil Group in aan loo Ogolayn Ka qayb qaadashada Abaalmarintan Qaaliga ah Ee macaamiisha loogu talagalay.
Eng. Cawil Saalax Cabdi oo ka mid ah saraakiisha sare Dahabshiil Group oo xafladdaa Ka hadlay, ayaa Mahad naq balaadhan oo uu usoo jeediyay Dhammaan macaamiisha Dahabshiil Group Meel kasta oo ay joogaan kadib waxa uu faahfaahin dheerada ka bixiyay Adeegyada Casriga ah Ee Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group ay kusoo kordhiyeen Dalka sida Adeegga Casriga ah Ee Somtel 4G, E.Dahab, Micro-Dahab iyo Guud ahaanba Tiknoolajiyaddii u dambaysay ee maanta Dunidda laga isticmaalayay in ay Dalka keentay Shirkadda Dahabshiil Group.
Gebagebadii xafladda, waxa ka hadlay Madaxa Waaxda Ganacsiga Ee Shirkadda Somtel Mohamed Rooble oo mahad celin aad u baladhan usoo jeediyay macaamiisha somtel, waxaanu sheegay in abaalmarintani tahay qayb ka mida faa’idada shirkaddu ay macaamiisheeda ku celiso Markasta, isagoo sheegay in hantida lagu abaalmarinayo macaamiisha ee goobta yaal ay yihiin kuwo ay bulshadu leedahay, gaar ahaan macaamiisha Somtel iyo Dahabshiil Group.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380