Qore: Siciid Maxamed Jaamac (Boodsane)

Maqaal hore ugu soo baxay wargeysyada Jamhuuriya (Axad, 22.Nov.2015, Vol.24, Cadadka 5923), Foore (Isniin, 23.Nov.2015,Vol.4 Cadadka 800aad) iyo Hubaal waxaan ku falanqeeyay arrimihii sababay guushii Muuse Biixi iyo guuldarradii Isbahaysiga ee shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye (10.11.2015). Anigoo ka duulaya sababihii aan soo bandhigay ee Isbahaysiga u keenay guuldarada, waxaan maqaalkan (iyo maqaalada soo socda) kaga hadlayaa siyaasadda ugu habboon ee la gudboon inay qaataan Isbahaysigu kadib markii ay u suurogaliwayday inay ku soo baxaan musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE.
Runtu siday tahay, tallaabooyinka siyaasadeed ee ay qaadan karaan xubnaha ka tirsan Garabka Isbahaysiga Murrashaxiintii laga guulaystay way farabadan yihiin, waxayse guud ahaan noqonayaan laba qaybood oo muhiim ah:
1. Tallaabooyinka siyaasadeed ee xeeladaysan ee midho-dhalka ah (Positive political maneuver) iyo;
2. Tallaabooyinka siyaasadeed ee aann xeeladaysnayn ee xumaan-dhalka ah (Negative political maneuver).
Marwalba dariiqada siyaasadeed ee ay qaataan ashkhaasta/xubnihii ka tirsanaa Isbahaysigii Murrashaxiintii laga guulaystay waxay ka tarjumi doontaa run ahaanta hankii siyaasaddeed ee uu shakhsigaasi lahaa ee uu shacabka Soomaliland u sheegayey muddada badan.
Haddii ay qaataan No.1 (Tallaabooyinka siyaasaddeed ee xeeladaysan ee midho-dhalka ah (Positive political maneuver), waxay ka turjumaysaa in shakhsigaasi hankiisa siyaasadeed ee uu shacabka u sheegayay muddada badan uu dhab ahaa daacadna ay ka ahayd. Hase ahaatee, ay ku timid hantaaqo siyaasadeed oo ay u sabab ahayd il-duuf siyaasadeed oo uu isagu sameeyay.
Hadii ay qaataan No.2 (Tallaabooyinka siyaasadeed ee aan xeeladaysnayn ee xumo-dhalka ah (Negative political maneuver), waxay ka tarjumaysaa in shakhsigaasi hankiisa siyaasadeed ee uu shacabka u sheegayay muddada badan uu ahaa mid aan run ahayn oo ujeeddooyin kale uu lahaa; ujeeddooyinkaasi oo noqon kara kuwa shakhsiyeed ama kuwa wadareed.
Haddaba, maqaalkan waxaynu kaga faaloonaynaa waxay noqon karaan (Tallaabooyinka siyaasadeed ee xeeladaysan ee midho-dhalka ah (Positive political maneuver) ee la gudboon xubnihii Isbahaysiga murrashaxiintii laga guulaystay.
No. 1. Tallaabooyinka Siyaasadeed ee Xeeladaysan ee Midho-dhalka ah (Positive political maneuver)
Tallaabooyinka siyaasadeed ee xeeladaysan ee midho-dhalka ah (Positive political maneuver) ee la gudboon xubnihii Isbahaysiga Murrashaxiintii laga guulaystay way badan yihiin; tusaale ahaan, waxa ka mid ah in shikhsigaasi siyaasadda dhammaanteed uu ka baxo, mar haddii uu ku hungoobay markii u horraysay oo uu dano kale qabsado, waxa ka mid ah in aannu ka bixin siyaasadda ee uu hankiisii ahaa inuu Madaxweynaha Somaliland noqdo dabagalo oo ka midho dhaliyo. Tallaabooyinkaasi oo dhan kama wada faaloon karno, balse aan si gaar ah u falanqeeyo tallaabada siyaasadeed ee xeeladaysan ee ugu habboon ee xubnaha Isbahaysigii Murrashaxiintu ay qaadan karaan. Intaynaan guda galin waxay noqonayso tallaabadaasi bal aan hordhac ka dhigo in aan tilmaamo in aan loo baahnayn “Isbahaysi Murrashaxiin”, oo ay muhiim tahay inuu shakhsigu keligii hadafkiisa daba-galo si uu uga midho dhaliyo hankiisa.
Run ahaan ‘Garabka Murrashaxiinta Isbahaysatay’ waxaan u arkayay marwalba inay ahaayeen – haddaan si kale u dhigo – ‘Garabka Murrashaxiinta Isxabaashay ama Is-aastay.’ Waayo? Tusaale ahaan, haddaanu nahay saddex nin oo saaxiib ah oo wada jecel gabadh aad u qurux badan, mid walbana doonayo inuu isagu gabadhaa guursado; suurogal ma tahay? Haddii saaxiibnimadayadu ay tahay inay sii socoto waa in aannu tashanaa oo aannu midkaayo u daynaa inuu isagu gabadhaa guursado, haddii kale waa in aannu kala hadhnaa oo nin waliba keligii farsamadiisa isticmaalaa, una dadaalaa sidii uu calafkiisa u qaadan lahaa ee uu gabadhaa uu jecelyahay qalbigeeda u hantiyi lahaa.
Qaladkii ugu weynaa ee dhacay wuxuu ahaa Is-huwanaantii Isbahaysiga oo shacabka Somaliland intooda badani u arkayeen inay is hadheeyeen oo midkii hanka lahaa iyo kii kale la kala garan la’aa. Waxaanay arrintu u muuqatay inay garabka Isbahaysigu ay heshiis ku ahaayeen oo keliya inay nin la dagaalamaan, nin isagu keligii raba inuu u tartamo murrashaxnimada mansabka Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay Is-huwanaantaasi sababtay inay isku arkaan xoog aan laga badin karin, waxaanay ka jeedisay (isku hallayn awgeed) shaqadii ay kali-kali u qaban lahaayeen ee ahayd inuu mid waliba gaarkiisa uga shaqaysto xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga iyo helida taageerada beeshiisa, iwm.
Sidaa darteed, murrashaxa guuldarraystay haddii dhab ahaan hankiisu ahaa inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, dariiqa siyaasaddeed ee ku habboon inuu qaato wuxuu noqon karaa:
1. Inuu aqbalo hantaaqada siyaasadeed ee ku timid, waayo? “Nin habari dhashay Hal ma seegi waayo.” Marwalba maaha inuu shakhsigu guulaysato oo haddii laga guulaysto uu cadhoodo. Tani waxay keenaysaa inaannu shakhsigu ka tagin xisbigiisii iyo saaxiibadiisii ay hore wada shaqayntu u soo dhexmartay. Ha ogaado asxaabtiisii kula jirtay xisbigu inaanay helin fursadan qaaliga ah ee uu helay ee ah inuu u tartamo murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga, hana ogaado inuu xisbi kale galo inay uga fududahay inuu mar labaad ama mustaqbalka xisbigiisa (Kulmiye) iska soo sharraxo oo waliba uu ku guulaysan karo in loo doorto murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga, waayo? Wuxuu muujiyay inay xisbigiisa lexejeclo ka hayso; waxa uu helay khibrad, waxaannu la yimid tanaasul; waanu hambalyeeyay dhigiisii ku guulaystay Murrashaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga; isla markaana waxa uu ka shaqeeyey in xisbigiisa mar labaad loo doorto hoggaaminta waddanka; IWM. Dhammaan arrimahaasi aan soo sheegay waxa uu tixgalin gaar ah kaga helayaa xisbiga dhexdiisa iyo dibadiisaba, waxaanay u fududaynaysaa inuu mustaqbalka dambe ku guulaysto hankiisa xisbiga ee mustaqabalka (haddii Alle gaadhsiiyo);
2. Inuu ku dadaalo inaanay hantaaqadaasi noqon mid cidhib-tirta hankiisii ahaa inuu noqodo Madaxweynaha Somaliland, ogaadana inuu ka soo kaban karo;
3. Inuu dib-u-eego oo uu daraasad ku sameeyo qaladaadkii ama il-duufkii siyaasadeed ee uu sameeyay shakhsi ahaan; qaladkii ama qaladaadkii ugu waynaa ee la sameeyay waxay ahayd Is-huwanaantii oo keentay qalado badan, sidaasi darteed, marka u horraysaba xubin kasta oo ka mid ahayd Isbahaysigii Murrashaxiintu waa inuu ka guuraa Isbahaysiga oo fahmaa in gabadha nin kali ahi guursan karo; waxa ka mid ahaa tanaasul la’aanta; IWM.
4. Inuu wax ka barto qaladaadkii/il-duufkii siyaasadeed ee uu sameeyay, dibna u qorsheeyo sidii uu hankiisa siyaasadeed ee ahaa inuu noqodo Madaxweynaha Soomaliland uga midho-dhalin lahaa; “guushu maaha waxaad qabato markaad awooddeeda leedahay ee aad fursada haysato. Haseyeeshee, “cabirka guushu waa inta aad kor-u-kacdo kadib marka aad dhulka hirdido,” –“Success is not what you do when you are on top. Success is how high you bounce back when you hit the bottom’’- by George S. Patton Jr.
Tallaabadan siyaasadeed waxay ka mid tahay dariiqooyinka siyaasadeed ee xeeladaysan ee midho-dhalka ah ee ay qaadan karaan xubnaha ka tirsan Isbahaysiga Murrashaxiintii laga guulaystay, waana mid timaamaysa in shakhsigaasi hankiisa siyaasadeed ee ahaa inuu noqdo Murrashaxa Madaxweynaha ee xibiga uu ahaa mid dhab ah oo aannu ahayn mid shakhsi la dagaalan ah ama mid ay afkaar kale dabada ka wadeen. Waxaannu shikhsigaasi yahay ‘Nin ragga kal-kaal’ oo markuu samro noqda ‘Nin Ragga’’. Hadii kale wuxuu noqonayaa “Rife” ama “Rife lal-kaal” oo aynu ka hadli doono maqaalka dambe oo aan soo bandhigi doono haddii Alle idmo – No.2 ‘Tallaabooyinka siyasadeed ee aan xeeladaysnayn ee xumo-dhalka ah (Negative Political Maneuver)’ ee ay qaadi karaan Isbahaysiga Murrashaxiinta laga guulaystay shakhsi ahaan ama wadar ahaan.

Waxa qoray:
Siciid Maxamed Jaamac (Boodsane)
Falanqeeye Siyaasadeed oo Madaxbannaan (Independent Political Analyst)
Email: saidbood@gmail.com