Xaggee Kasoo Jeedaan Maalmaha Af-ingiriisiga Magacyadoodu?
By. Abdirashid Ali Aw Yusuf Mattah
Kala duwanaanshaha diimaha iyo dhaqanada dadyawga dunida ku uuman awgeed, waxaa bilaha loogu magacdaraa iyadoo loo eegayo tira ahaan siday isugu xigaan susun ahaan iyo iyadoo loo eegayo Meerayaasha oo ah magac sayniseed loo yaqaano xidigaha, tusaale ahaan umadaha Islaamku waxay isticmaalaan magacyada maalmaha (Sabti, Axad, Isniin, Salaasa, Arbaca, Khamiis iyo jimce). Hadaba magacyadan maalmaha ee Islaamka waxa ay salka ku hayaan abuuritaankii dhulka ee Allah (subxaanahu watacaalaa) abuuray.
Hadaba aynu eegno maalmaha todobaadka iyo magacyadooda Af-ingiriisiga, taas oo beryahan danbe bulshada Islaamka guud ahaan gaar ahaana bulshadeena Soomaaliyeed isticmaalkeedu ku dhex faafay, magacyada maalmaha ee todobaadku intooda badan waxay ku abtirsadaan Meerayaal kuwaa oo ah qaayb kamid ah xidigaha, Meerayasha in magacyo loo bixiyaa waxay ka soo jeeday Romaniyiintii iyo Giriigii hore ku waa oo caabudi jirey xidigaha, xidig waliba waxay ugu astaasnayd ilaah magac ayayna ula baxeen, ugu horeyna waxaa la isticimaalay qarnigii 1aad ee taariikhada Miilaadiga, kadib markii ugu horeeysay oo uu hirgeliyey boqor Nero oo ahaa boqor u ariminjirey Romaaniyiintii hore.
Xidigaha ay Giriiga iyo Roomaanku caabudi jireen waxa kamid ah shan xidigood oo muuqda (Mars, Mercury, Jupiter, Saturn iyo Venus) iyo dayaxa iyo cadceedda, labo maalmood oo kamid ah todobaadka waxay isbedeleen Giriiga kadib taas oo ay saamayn ku yeelatay diimaha Kiristaanka iyo Yuhuuda waana Sunday oo loo yaqaano “Lord’s Day” oo macnaheedu yahay “Maalinitii Illaah” taas oo ay weyneyaan Kiristaanku, maalinta labaadna waa Saturday oo ay Yuhuudu weyneyaan unayaqaaniin “Sabbath” oo ah maalintii nasashada iyo maydhashada magacyadani gaar ahaan waxay ka soo jeedaan wadamada loo yaqaano (Nordic Countries) ee woqooyiga qaarada Yurub.
Hadii aynu sii guda galno maalmaha todobaadka inagoo ka eegayna magacyadooda iyo meesha ay ka soo jeedaan qofkasta oo Muslim ah oo leh caqli uu ku fikiro oo akhristaa qormadan umalaynmaayo inuu damiirkiisu siinayo inuu adeegsado magacyadaan, sababtoo ah qofku haduu garanayo inay geftahay laga gelayo Illaahay waxaa ka dhalanaysa cadho Illaahay.
Saturday:
Maalintan oo ah maalinta koowaad ee todobaadka taas oo aynu unaqaano Sabti magaceedu waxa u ka soo jeedaa Saturn oo ah xidig ay caabudi jireen Roomaaniyiintii hore taas oo ay weynayn jireen maalintaa una dabaaldegi jireen.
Sunday:
Maalintan oo ah maalinta labaad ee todobaadka taas oo aynu unaqaano Axad magaceedu waxa uu ka soo jeedaa afkii hore ee Laatinka looyaqiiney (Dies Solis) taas oo macneheedu yahay (Day of the Sun) Maalintii Cadceedda.

Monday:
Maaalintan oo ah maalinta sadexaad ee todobaadka oo aynu unaqaano Isniin magaceedu waxa uu ka soo jeedaa afkii hore ee Laatiinka (Dies Lunae) “Day of the Moon” taas oo macneheedu yahay maalintii dayaxa.
Tuesday:
Maalintan oo ah maalinta afraad ee todobaadka oo aynu unaqaano Salaasa magaceedu waxa uu ka soo jeedaa Af-ingiriiskii hore (Tyr’s Day ama Tiw, Tew, Tiu) magacyadaa oo macnohoodu yihiin ilaaha dagaalka iyo sharafta geesinimada waana xidigta Maris oo ay caabudi jireen Romaaniyiintii hore.
Wednesday:
Maalintan oo ah maalinta shanaad ee todobaadka oo aynu unaqaano Arbaca magaceedu waxa uu ka soo jeedaa afafkii Jarmalka iyo Norway ee hore oo ahaa ilaah ay caabudijireen “Wodan” kaas oo sidoo kale loo yaqiiney “Odin” oo macnaheedu yahay ilaaha waalida, ganacsiga, xatooyada. wuxuna ahaa ilaaha ugu sareeya caadadhaqameedyada Jarmalka wuxuna aha xidiga loo yaqaano Mercury.
Thursday:
Maalintan oo ah maalinta lixaad ee todobaadka oo aynu unaqaano Khamiis magaceedu waxa uu ka soo jeedaa afafkii hore ee Jarmalka iyo Norsaha waana ilaah ay caabudi jireen oo loo yaqaanay “Thor” oo macneheedu yahay ilaaha onkodka waana xidiga loo yaqaano Jubiter.
Friday:
Maalintan oo ah maalinta todobaad ee todobaaadka oo aynu unaqaano madaxa maalmaha ama ciida todobaadka oo Jimce ah, waxaa magaceedu ka soo jeedaa “Day of Frige” oo ah ilaahadii Freyja ama Frigg taas oo ay Jarmalkii hore uyaqaaneen ilaahada quruxda, waana xidigta loo yaqaano Venus.
By. Abdirashid Ali Aw Yusuf Mattah.
Sabradiin@gmail.com
La soco qaybo oo ah Magacyada Bilaha Af-ingiriisiga Iyo Halka Ay Ka Soo Jeedaan