Araweelo News Network
CPJParis (ANN)Guddida Difaaca Suxufiyiinta Caalamka ee (CPJ), ayaa soo bandhigay tirada weriyeyaasha lagu dilay daafaha adduunka sannadkan sii dhammaanaya ee 2015, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 69 suxufi.
Warbixin Guddiga CPJ soo saareen Todobaadkan, isla markaana lagu beegay dhammaadka sanadka 2015 iyo bilawga sanadka cusub 2016.

Guddida Difaaca Suxufiyiinta, waxay warbixintooda ku sheegeen in 69 suxufi oo ku guda jira hawl-maalmeedkooda shaqo lagu dilay caalamka oo dhan sannadkan 2015, kuwaasoo ka baddan kuwii la khaarajiyey kal-hore oo tiradoodu ahayd 61 weriye.

Dalalka Suuriya iyo Faransiiska ayey CPJ sheegtay inay yihiin waddamada suxufiyiinta ugu badan lagu dilay sannadkan gabaabsiga ah, inkastoo Ururka Weriyeyaasha aan Xuduudda Lahayn ee Calaamka (RSF) warbixin uu soo saaray isla shalay ku sheegay in Ciraaq lagu dilay warfidiyeennada ugu tiro badnaa lagu khaarajiyey 2015.

Sidoo kale, CPJ waxay warbixinteeda ku xustay in 40% suxufiyiintii sannadkan la dilay ay laayeen kooxaha islaamiyiinta ah, kuwaasoo 13 ka mid ah lagu dilay dalka Suuriya, halka 9 kalena lagu khaarajiyey waddanka Faransiiska.

Guddiga CJP ayaa tibaaxay in warar ay goor hore heleen u sheegeen in dalka Suuriya lagu dilay 90 suxufi sannadkan, balse baadhitaan ay sameeyeen kadib ku xaqiijiyeen in 13 weriye oo keliya halkaas lagu laayey.

“Inta badan suxufiyiintii sannadkan la dilay waxaa dilay kooxaha hubeysan ee ay ka mid yihiin kuwa Islaamiyiinta ah ee caalamka ka dagaallama,” ayaa warbixinta CPJ lagu yidhi, inkastoo ay sheegtay inay jiraan weriyeyaal kale oo iyaga si toos ah loo toogtay.

Dhinaca kale, hay’adda lagu magcaabo RSF, ayaa iyaduna warbixinteeda ku sheegtay in 65 suxufi oo hawlahooda shaqo ku jira lagu dilay caalamka oo dhan sannadkan 2015, iyadoo xustay in 11 ka mid ah suxufiyiinta dhintay lagu laalayey Ciraaq, halka CPJ sheegtay in dalkaas lagu dilay shan weriye oo keliya.

Soomaaliya waxa sannadkan lagu khaarajiyey saddex suxufi oo magacyadooda la kala odhan jiray Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Radio Muqdisho – la dilay 3 December, Mustafa Cabdi Nuur oo ahaa weriye madax-bannaan oo la toogtay 01-dii November iyo Daa’uud Cali Cumar oo Radio Baydhabo ka tirsanaa oo isna 29 April lagu dilay magaalada Baydhabo.

Waxa kaloo ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee suxufiyiinta lagu dilay sannadkan Kenya oo lagu dilay hal suxufi, Liibiya – hal suxufi iyo Ghana oo hal weriye lagu khaarajiyey sanadka 2015..

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380